“Haddii ay mucaaridku joojin waayaan muranka muddo kordhinta doorashooyinku mar kale ayay dib u dhici karaan”.. maayarkii hore ee Saylac

Hargaysa (SLpost): Maayarkii hore ee degmadda Saylac Maxamed Cumar Xadi, ayaa dastuur jabin ku tilmaamay shirkii wada tashiga qaran ee ay ku baaqeen axsaabta mucaaridka ah iyo kooxda siyaasiyiinta ah ee la baxay madasha wada tashiga.Maayarkii-hore-ee-Saylac-310x174

Waxaanu sheegay in shirkii ay axsaabta mucaaridka ah iyo kooxdaasi dhawaan ku baaqeen ay la macno tahay  iyadoo dib loogu noqday halkii ay Somaliland 18 sanadood ka hor ka soo gudubtay, isla markaana wax kasta oo la isku khilaafo ay haboon tahay in dastuurka qaranku qeexayo.

Maxamed Cumar Xadi, oo DAWAN u  waramay isagoo jooga magaaladda  Hargaysa, waxa kale  oo uu  sheegay in uu sharciyadda dalka ka baxsan yahay shirka ay mucaaridku ku baaqeen, isagoo tilmaamay in madaxweyne la doortay uu bedeli karo oo qudha madaxweyne kale oo la doortay.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Maalmahan waxaa soo baxayay hadallo aan la jeclaysan Karin oo ku sheegeen mucaaradka iyo kooxda la baxday madasha wada tashiga ee ku baaqay inay shir yeelanayaan si ay dawlad u soo dhisaan, taasi waxay noqonaysaa dastuurkeenii oo aynu jebinay. Dastuurkeena qaranku sidaas ma dhigayo, haddii uu madaxweynuhu meesha ka baxo, madaxweyne kale ayuun baa bedeli karra.

Doorasho ayuunbaa laga soo baxaa, ma aha in aynu dib ugu noqono halkii aynu 18 sanadood ka hor aynu joognay ee aynu ka soo gudubnay iyo shirkii  Axdi-qarameedka ee Boorama lagu qabtay in aynu dib ugu noqono.  Dastuurkeenu  wax buu sheegayaa, oo wuu qeexan yahay ma dastuur danbe ayaynu samaynaynaa?”.

Maayarkii hore ee degmadda Saylac ayaa u soo jeediyay mucaaridka inay tanaasul la yimaadaan hase yeeshee aan laga aqbali Karin inay dawladnimadda  Somaliland ee manta hana-qaaday ay burburiyaan. “Waxaan leeyahay mucaaradka tanaasul in la iskula yimaado, oo waxa aad diidan tihiin la iskaga yimaado laakiin dawladii ayaanu baabiinaynaa taasi caqliga ma gasho, waana in aad taasi iska tanaasushaan, waxaana fiican dalkeenu ku socdaaa, sidaas darteed waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ha la iskaga yimaado waxa aad diidan tihiin, ee dalkeena ha inaga burburinina” ayuu yidhi Mr. Xadi.

Waxaanu intaasi ku daray  “Markii ay inagu soo jabeen qaxoontigii Yemen, dawladaha caalamku aad ayay inoo ictiraafeen, waxa la inoo arkay dawlad wax qaabili karta, oo wax ka hor tegi karta ayaa la inoo arkay, ma nihin meel burburtay, marka ay mucaaridku sidaas u hadlayaan meel duntay ayay inaga dhigayaan  ictiraafkii ayuu wax yari inooga hadhsan yahay” ayuu yidhi maayarkii hore ee Saylac.

Sidoo kale, Maxamed Cumar Xadi, ayaa intaasi ku daray  in haddii lagu sii jiro muranka siyaasiyga ah in ay taasi suurtogelinayso in mar kale ay doorashooyinku dib u dhici karaan, isagoo xusay in golaha guurtidu ay xaq u leeyihiin inay muddo xilkeedka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa u kordhiyaan marka ay doorashooyinku dib uga dhacaan xiliga loo qorsheeyay.

Waxaanu  yidhi  “Inta aynu maanta waxyaabahani isku haysano doorashadu dib ayay u sii dhici doontaa, waxaanan leeyahay mucaaridka inaga daaya isqabqabsiga. Guurtiduna xaq ayay u leedahay in marka wax dib u dhacaan ay madaxweynaha iyo ku xigeenka u kordhiso, dastuurka ayaana u banaynaya.

Dadkeena iyo dalkeena midna maanta uma baahna rebshad. Dadku aad ayay uga  naxeen hadalada ka soo yeedhay mucaaridka, taasina looma baahna in ay sii socoto”.

Dhinaca kale maayarkii hore ee Saylac  waxa uu ugu baaqay bulsahdda gobolka Selel inay si fiican uga qayb diiwaangelinta iyo doorashooyinkaba, si uu codkoodu meel mar u noqdo marka la gaadho wakhtiga cod-bixinta dooraashooyinka. “Waxaan ugu baaqayaa dadka gobolka Selel degga inay had iyo jeer diiwaangelinta, ta madaniga ah iyo ta codbixintaba inay si fiican uga qayb gaal, waana inay soo dhaweeyan dadka u imanaya ee hawsha wadda, si uu codkeena u soo baxo, oo aynu meel sare ka galno Jamhuuriaydda Somaliland” ayuu yidhi Maxamed Xadi.