Afar Masuul Oo Mar Iska Wada Casilay Xisbiga Waddani

Hargeysa, (SLpost)- Afar mas’uul oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii  iyo xubinimaddii ay ka hayeen xisbigaasi.Waddani

mas’uuliyiinta iscasilay ayaa kala ahaa Xasan Goodaad, oo ahaa xoghayihii Xanaanada xoolaha ee xisbiga Waddani, Mushtaaq Ibraahin Nuur oo ahayd hogaanka Cadaaladda haweenka ee heer Qaran.

Afhayeenkii haweenka Heer Qaran ee Waddani Amaal Yuusuf Cabdi iyo Aamina Jirde oo ahayd xoghayihii Abaabulka gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani.

mas’uuliyiintan ayaa intooda badani waxay ku sababeeyeen iscasilaadooda markii ay ku qanci waayeen hannaanka maamul ee hogaanka ugu sareeya xisbiga Waddani.

maaha markii ugu horeysay ee mas’uuliyiin xilal ka hayay xisbiga waddani ay iskaga baxaan xisbigaasi.