Obama Oo Soo Dhaweeyay Xidhiidhka Dadka Isku Jinsiga Ah Oo Kenya looga Mudaharaadeen

Nairobi, (SLpost)- Madaxweyne Obama ayaa amaanay mustaqbalka dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika, hadal uu ka jeediyay Nairobi, kaasoo uu ku furay shirka lixaad ee ganacsiga adduunka. “Afrika horay ayay u socotaa, dadka ayaa saboolnimada ka baxaya, mushaharka ayaa kordhaya, dadka xirfada ku shaqeeya ee mushaharkooda fiican yahay ayaa kordhay,” ayuu ka yidhi shirka ganacsiga.Obama

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Obama oo si wada-jir ah shir jaraa’id ula qabtay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay arrin xasaasi oo muddooyinkii u dambeeyay la isla dhexmarayay, taasoo ah inuu madaxda Kenya kala hadlayo inay isu galmoon karaan dadka isku jinsiga ahi.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu arrintaas taageersan yahay, isla markaana aanu u arkin wax dembi ah.

Madaxweyne Obama Booqashadiisii ugu horaysay isagoo madaxweyne ah dalka Kenya oo aabihii u dhashay ayaa bilaabmatay Jimcihii.

Booqashada ayaa saxaafada Kenya ay ku tilmaameen mid uu imanayo gurigiisa, dad soo dhawaynayay madaxweynaha ayaa jidka saftay markuu ka imaanayay garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha ayaa maanta furay shirka Global Entrepreneurship ee lixaad oo ah shir ganacsi.

Booqashada Kenya ka dib, Mr Obama ayaa booqan doona Itoobiya, halkaasoo uu noqon doono Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah ee ka hadla shirka Midowga Afrika.