Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Warbaahinta Ka Codsaday Inay Dhinac Wanaagsan U Adeegsadaan Qalinka

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa dardaaran ujeediyay warabaahinta dalka, isagoo xusay inay dhinaca wanaagsan awoodda saaraan.

Wasiir Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa qodobeeyay doorka wanaagsan ee warbaahintu ku yeelan karto horumarka bulshada.

Sidoo kale waxa uu saxafiyiinta uga dayriyay inay dhinac xun u adeegsadaan warbaahintooda, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. “Warbaahinta waa seef laba afleh dhinac xun iyo dhinac wanaagsan labadaba. Sidoo kale siyaasiyiinta ayaan iyaguna wada saaloonayn, haddii aynu saxaafadda ka eegno dhinaca wanaagsan waa dhinac aad iyo aad u qiimo badan, waxaanay horseed ka noqon karaan oo ay bulshada u hogaamin karaan:

  • Waxbarashada
  • Horumarka
  • Akhlaaqda wanaagsan
  • Qiyamka iyo
  • Shucuurta

Waxa kale oo ay baraarujisaa jiilka cusub iyo dhalinyarada, waxaanay bartaa waddaniyada iyo dal jacaylka iyo ilaalinta nabadda iyo xasiloonida.”

Dhinaca kale Cali Waran-cadde waxa uu ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee dalka, isla markaana waxa uu bulshada ku ammaanay sida wanaagsan ee ay nabadda dalkooda u ilaaliyaan.