“Mucaaridku Beesha Caalamka Cod Kama Doonayaan Ee Shacbigooda Ha Aaminaan”

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise,  oo tirsan  mudaneyaasha golaha  Wakiiladda ee Somaliland ayaa si adag u naqdiyay  hanaanka siyaasadeed ee xisbiyadda mucaaridka ah, waxaanu ku eedeeyay  in aanay  wax taageero ah  bulshadda ka haysan  xisbiyadda mucaaridku.Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise

Xildhibaan Maxamed  Xuseen,  oo shalay u waramayay DAWAN,   waxa  uu tilmaamay in awood daradoodu ay muujinayso sida ay ugu milmeen kooxda sharci darrada ah ee la baxday Madasha-wadda tashiga. “Dhibaatooyinka haysta mucaaridka ayay ka mid tahay,  waxa ay odhan kari laayi’iin  ama naga tagga ama nagu soo biira,  kooxda la baxday madasha,  anaga ayaa sharci ahe. Markaa   awood daradda mucaaridka ayay muujinaysaa inay ku dhex milmaan nimankan la baxay madasha wadda tashiga,  oo ma geli karaan xisbiyadda mucaaradka oo way dhalillayaan,  oo waxa ay leeyihiin kuma haboona in lagallo,  oo way ka khashaafayaan inay galaan,  laakiin mucaaradka ay wada yihiin ayuun bay Awrka ku kac-sanayaan. Laakiin niman is-bahaystay oo madasha la baxay in iyagii bah dilaan oo wax u yeedhiyaan xisbiyadii sharciga ahaa waxaanay muujinaysaa tamar darada ka muuqat xisbiyadda mucaaradka” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed.

Sidoo kale, xildhibaanku waxa uu xusay in aan laga hor is-taagin xisbiyadda mucaaridka shirarka dastuurku siinayo inay qabsan karaan.  Waxaanu  yidhi  “Labadda xisbi mucaarid ee WADDANI  iyo UCID shirarkooda way qabsadaan. Hawlaha khuseeya xisbiyadoodana meeshay doonaan ayay ku qabsadaan. Cidina iskama hor taagin lama odhan ma qaban karaan shirar ay leeyihiin oo taa dastuurka iyo xeerarka ayaa siinaya laakiin talo qaran iyo shir qaran madaxweynaha  uun baa qaban kara.

Xitaa baarlamaanku ka ay qaban karaan waa mid xadidan. Xisbiyadda mucaaradkuna xaq uma leh inay qabtaan shir qaran waxaan ay wadeena qardo jeex siyaasadeed uun bay ahayd iyo ku jiq sii iyo xaalad abuur ayuun bay ka tahaye iyaguba  way garanayaan in aanay sharci ahan shir qaran qabashadiisu oo aanay iyagu qaban Karin.”

Waxa kale oo  uu tilmaamay xildhibaanku  in aanay haboonayn in guddoomiyaha golaha Wakiiladdu ku dhex milmo kooxda sharci darrada ah ee madasha la baxday. “Maadaama  guddoomiyihii golaha Wakiiladda uu  yahay C/raxmaan Cirro,  oo hay’adii sharci dejinta uu yahay,  ee ilaalin lahayd  shuruucda   inuu ku dhex milmo ilama haboona.  Waxaana  aynu ognahay in maxkamada Sare ay soo    saartay in shir qaran uu xaaraan yahay,  oo madaxweynuhu ku dhawaaqi karro,  markaa waxa ay ku haboonayd in uu ka gaabsado wixii aan sharcigu u banaynaynin   inuu  iska ilaaliyo gudoodmiyaha golaha  Wakiiladdu.

Markaa  waa inuu sharciga ilaaliyo,  oo wixii qalad ah  ee uu ku samaynayo sharciga isagay ku noqon doontaa haddii  goluhu talaabo ka qaadayo golaha ayay u taalaa,  wax aniga ii gaar ah ma aha” ayuu yidhi xildhibaanku.

Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed Xuseen, ayaa  u soo jeediyay xisbiyadda mucaaradka inay aaminaan dastuurka dalka u yaala isla marakana beesha caalamka soo farogalin Karin shuruucda dalka.  waxaanu yidhi  “Somaliland beesha caalamku sharci kama,   way ina taageeraan ee shuruucdeena ma  farogaliyaan,  meelina ugama banaana. Waxbana inagama khuseeyaan xisbiyadda mucaaradka uun bay dhibaato ku tahay in ay qaylo dhaan u diraan beesha caalamka cida dooranaysaa beesha caalamka maaha ee ay codka ka doonayaan beesha caalamka maaha cida codka ka doonayaan waa shacbiga reer Somaliland ee ha aaminaan.”

Source: DAWAN