‘Ha Werwerin Hargaysaay Dadbaa Ku Maqane’

maqaalQoraalkan Talo iyo Tusaale wuxuu maantana iftiiminaya; madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo golaha wakiillada waxa soo doorta dadweynaha Somaliland oo dhan. Waxaa soo raaca goleyaasha Degaannada oo dadweynaha ku nool deegaanku soo doorto.

Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo Golaha Wakiilladu waxay masuul ka yihiin Somaliland oo dhan (Bari ila Galbeed). Hasayeeshe, Golayasha deegaannadu waxay gaar uu yihiin deegaanka laga soo doortay oo keliya, masuulna ka yihiin daryeelka iyo wax ka qabadka baahida deegaanka laga soo doortay sida nadaafadda, dayac-tirka waddooyinka iyo adeegyada kala duwan ee dadka ku nooli uu bahan yihiin.

Dadweynaha reer Hargeysa waxay si wayn u dhaliilayaan goobaha laysugu yimaaddana lagu hadal hayaa xil gudasho la’aanta ka muuqata golaha deeganka, waxayna ka dhawajiyaan in lagu hungoobey himiladii dadweynahu ka lahaa doorasho Gole deegaan oo dhalinyaro u badan. Da’yartii loo doortay golaha deegaanka Hargeysa way fashilmeen (wax garad, waayeel waayo’arag leh way joogaan, waana kamid golaha deegaanka laakiin daad baa qaaday), wax qabad daayo (dhalinyaradii) iyagii ba kana siib kana saar noqday sida ka dhacday deegaano badan hasa yeeshe Hargeysa kumay iman.

Waxaan dadweynaha ku nool Hargeysa kula talinnaya iyagoo xaafad xaafad ah, haddana qof aqoon iyo waayo aragnimo leh oo danaynaya nadaafadda, bilicda iyo huromarinta magaalada Hargeysa xaafad walba way joogaane doorta si dadka magaalada Hargeysa iyo Golaha Deegaanka (Waa ka soo socda’e) afgarad iyo wada shaqayn joogta ahna laga abuuro dhexdooda.

Gunaanadkii, waxaan leeyahay Ha werwerin Hargeysaay dadbaa ku maqane. Sida darteed, waxaan dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa mar labaad uga digaya in aan la dagin markale kana fiirsadaan cidday uu dooranayaan Golaha Degaanka ee soo socda (Insha’alla).

Allaa Mahadle

Yasin Ibrahim Xoore

Email : yaasiin0782@gmail.com