Maxaa ka Dhexeeya Hoggaanka iyo Siyaasadda? – W/Q: Mohamed Rashid Hussein

hoggaanka iyo siyaasaddaWaxa hubaal ah in 90% dadku marka ay maqlaan siyaasad waxa kusoo dhacda madax sare ha noqdaan guddoomiyayaal xisbi amma qaar kale oo xilal ka haya dawladda. Sidaa si lamid ah marka aynu ka hadlayno hogaan sida badanaaba dhacda waxaan xasuusanaa sawir lamid ah markii aan ka hadlaynay siyaasad. Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inaan ogaano inay siyaasadda iyo hogaanku ay aad u kala duwan yihiin. Siyaasadu waa aragti waajahaysa socodsiinta waaxyaha kala duwan iyo himilada dalka halka aynu ku qeexi karno hogaan nidaam horseed ah oo lagu hogaaminaayo dadka kartida shaqsiyeed.

Haddaba wada shaqayntooda iyo isku keenidoodu waxay horseedi kartaa horumar balaadhan oo dhaqaajinaaya nidaamka waxqabad ee xaalada wadanku taagan yahay.Hogaamiyayaasha addunku iyaga oo istcmalaya kartidooda shaqsiyadeed ha noqoto awoodooda hal-abuurnimo, waaya-aragnimo iyo aqooneed iyo waliba hibooyinkooda hadana waxa lagama maarmaan ah inay adeegsadaan siyaasadda si ay u gaadhaan hiigsiga fog ee wadanka iyo kooda shaqsiyeed labadaba. Maadama oo la rabo in guul laga gaadho rayiga iyo hanka guud ee wadanka waxa runtii dhaxal gal ah in la dhuuxo oo la fahmo is- dhexgalkooda iyo wada socodkooda.

Haddii aynu garanay maxsuulka wanaagsan ee kasoo bixi kara midayntooda, waxa iyana aan lagama maaraman ahayn in aan garano waa maxay astaamaha siyaasadda wanaagsan? Waa maxay dabeecadaha laga rabo inuu yeesho qof hogaanka hayaa? Sidee ayay midayntoodu horumar u keeni kartaa? Suaalahani waa kuwo aasaas u noqon doonaa in aynu fahano xidhiidhka ka dhexeeya hogaanka iyo siyaasada.

Ugu horayn hanka ugu wayn ee ay bulsho yeelan kartaa waa horumarka tiirarka kala duwan ee waxtarka u ah nolosha dadka sida waxbarashadda, caafimaadka, dhaqaalaha iyo ka faaiidaysiga is-gaadhsiinta casriga ah. Si haddaba horumar loo gaadho, siyaasiga aan rabnaa waa inuu noqdaa mid:

  • Daacad ah: waa inuu awood u leeyahay inuu ka run sheego ficilada kala duwan ee laga rajaynaayo inuu qabto xiliyada ololaha.
  • Ixtiraam leh: halkan waxaan ixtiraam uga jeednaa, in ay dhinacyadda kala duwan ee isku haya hogaanka dalku inay is-ixtiraamaan iyo inay qadarin siiyaan shuruucda u taala wadanka iyo natiijooyinka kasoo baxa heshiisyada. Waxa sidoo kale aad u xusid mudan in la ixtiraamo kala fogaanshaha fikirada kala duwan iyada oo aan wax loo dhimmayn sumcada iyo jiritaanka wadanka.
  • Masuul ah: masuuliyada siyaasigu waxay ka timaadaa in uu garto inay qaali tahay inuu baahida naftiisa ka horeysiiyo ta u taala dalka. Baahiyaha kala duwan ee dalka waxaa ku jirta ugu yaraan ilaalinta nabadda.

Dabeecadahan siyaasadeed waxay u baahan yihiin in lagu labeeyo hogaan. Waxa laysla ogyahay in la baran karro siyaasad laakiin marnaba aan lala iman karin astaamo hogaan. Si guul looga gaadho himilada dalka waa in hogaamiyuhu noqdaa mid:

  • Aragti- fog: hogaamiyuhu isaga oo adeegsanaaya kartidiisa waa inuu ka war hayo oo uu saadaalin karo xaalada uu dalku ku sugnaan karo muddo kadib tusaale ahaan muddo 5 sanno kadib.
  • Qancin leh: tani waxay u sahlaysaa hogaamiyaha inuu yeesho hab macquul ah oo uu ku cabiri karo fikirkiisa si uu u qanciyo baahida soo wajaha dalka.
  • Saamayn leh: midaynta aragtida fog iyo qancinta fikirada fog fog waxay kor u qaadaysaa in laga dhex dheehdo hogaamiyaha saaxadaha siyaasada laguna wada qanco go’aanadiisa rag, dumar iyo dhallinyaro intaba.

Ugu danbayn, siyaasadu maaha xalka kaliya ee lagu gaadhi karo horusocodka iyo horumarka dalka haddii ay maqan tahay in lagu xidhiidhiyo hogaan iyaga oo dhinacyo kala duwan wax laga eegaayo.

By: Mohamed Rashid Hussein

Development Analyst

Mohamedrashid402@gmail.com

063-4002027