Dar ILAAHAY U Caawi Deeq Ibraahim Cawaale Oo Xannuun halis ah la il-daran

Deeq Ibraahim Cawaale waa nin dhalinyaro ah oo uu haleelay Xanuun culus, isla markaana dhibaato iyo culeys badan ku haya,waxaanay dhakhaatiirtu u sheegeen inaan dalka waxba lagaga qaban Karin oo uu u baahan-yahay dhakhtar dibadeed.

Deeq Ibraahim Cawaale waxa uu ku nool-yahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxa uu la il daran-yahay oo haleelay Xanuun kaga dhacay Qanjidhka Bidix ee Luquntiisa, kaas oo ku fiday Cunaha qoorta iyo wejiga qeyb ka mida

deeq ibraahim (2)“Waxa uu igu dhacay Xanuun ILAAHAY ii keenay oo culeys baddana igu haya oo igaga dhacay qanjidhka Bidix qoorta ilaa qeyb ka mida Wejiga oo marba marka ka danbeysa igu sii fidaya, markii aan dhakhaatiirta u tagayna waxay ii sheegeen inaan Xanuunkan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban Karin,iyada oo dhakhtar dibadeed lay-geeyo mooyee.

Sidaa daradeed, waxaan umadda Muslimiintan meelkasta oo ay joogaan-ba ka codsanayaa inay I soo caawiyaan Caawimo Alle ayaa lehe,” Sidaa waxa yidhi Deeq Ibraahim Cawaale oo xaaladdiisa caafimaad uga warramay  Hayaannews.

deeq ibraahim (1)Hadaba, Haddii aad doonayso inaad soo caawiso Deeq Ibraahim Cawaale Waxaad Wax ugu soo hagaajin kartaa Account No ah sidan: Account No. 47967 Dahabshiil HR ama Zaad No. 4044261

deeq ibraahim (3)