10 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Laga Fuliyay Waqooyi Bari Kenya

Kenya

Mandheera, (SLpost)- Wararka laga helayo degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in dad ka badan 10 qof lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe lagu qaaday guri ay degan yihiin dad aan Soomaali ahayn.

Dadka la beegsaday ayaa lagu soo warramayaa inay yihiin kuwa dhagaxa ka jebiya dibedda magaalada. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyada weerarka, balse kooxda Al-shabaab ayaa hore weerarro noocan oo kale ah uga fulisay Mandheera.