Wasaaradda Caafimaadka Oo Qabatay Kulan Lagu Qiimaynayo Xarumaha MCH-yada

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaarada caafimaadka JSL Md Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) oo uu weheliyo Agaasiimaha guud ee wasaaradaasi ayaa maanta kulan ku qabtay xarunta wasaaradaasi,  kaas oo lagu qiimaynayo xarumaha bixiya adeega caafimaadka ee Hooyada iyo Dhalaanka ee dalka JSL.