Dadweynaha Giriiga Oo U Codeynaya Isticmaalka Ama Iska Daynta Lacagta Euro-ga

GiriigaAthens, (SLpost)- Malaayiin qof oo reer Giriig ah ayaa maanta u codeynaya afti ku saabsan in la diido ama la aqbalo qorshaha deyn bixinta ee dalkaasi ay u soo jeediyeen Yurub.

Isagoo codkiisa dhiibanaya ra’iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, waxa uu sheegay inaanu jirin qof diidi kara rabitaanka shacabka.

Xisbigiisa ayaa waxay dadka hory ugu baraarujiyeen inay diidaan qorshaha loo soo jeediyay ee uu ku tilmaamay inuu yahay mid lagu duleynayo Giriigga.

Laakiin hogaamiyeyaasha Yurub iyo mucaaradka Giriiggu waxay ka digeen in loo codeeyo MAYA, taas oo ay tilmaameen inay keeni doonto natiijo uu Giriigu kaga baxo dalalka isticmaala lacagta Euro-ga.

Dhinaca kale waxa la saadaalinayaa in natiijadu ay aad isugu dhawaan doonto.