Axkaamta Ramadaanta (Qaybtii 17aad) – Fadliga cibadaada habeenkii (2aad)

shekhInta badan waxa aynu u hiranna hawl kasta oo aynu qabanayno in aynu ku helno abaal celin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labban laabta hawlkarnimadaadi, taasood ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaal gud aanad filanayn xaddigeeda.

Habka loo tukada salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka CSW ka sugan, “Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.” Xadiiskaasi wuxu bidhaaminaya in laba rakcadood marka aad tukato ba aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale aad u kacayso.

Sidoo kale waxa lagu soo afmeera oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waanna rakcad qudha,Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday, “Habeenka laba witri kuma wada jiraan.” Sidaa ajligeed haddaad hore u soo tukato taraawix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahjudka tukanayso la dhammaysan maysid, ee marku salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici, ama salaadda witrigaa ee u ku soo afmeeray salaadda la tukan maysid.

 

Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah, “Salaadaha waxa ugu fadli badan marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenki la tukado.”

Salaaddani dheeraadkaa hawl yari kumay helin, qofkii wuxu ka toosaya hurdadiisi, wuxu u kacaya oogis salaad aan lagu waajibin, laga yaaba biyo qabow inuu ku waysaysanayo, haddana waxaas oo dhan uma jeedee oogista salaadda ayuu u jeeda, sidoo kale qalbigiisa waxa ruxa aayadka Alle SWT marka uu akhriyo, sida Alle SWT sheegay, “Aayadkayaga waxa rumeeyey, kuwa marka Illahay la xuso la dhaca sujuud, ee tasbiixsada, kuna mahadceliya Rabigood iyagoon is kibrinayn, dhinacooguna jiifka ka dheeraaday.” Wuxu is tusinaya hirarka fog ee Alle SWT bidhaamiyey in la helayo, “Kuwa Alle ka cabsada waxa u sugnaaday jannooyin, wabiyaal iyo degenaasho dhab ah oo Illahay agtiisa laga helayo.” Cagahaa bararaya, murqihiisa daalaya, cunihiisa qalalayana wuxu ku rabaa jannooyinkaa Alle, si uu taa u gaadho ayuu dhiniciisa habeenkii dhulka u diiday in yar mooye, “Waxay ahayeen kuwo habeenki inyar un seexda.” Sidaa waxa leh Alle. Waana ta dhabta ah ee lagu gaadhayo abaal gudka sare ee Alle SWT inoo sheegay.

Mar kasta oo aad ku jirto gudashada cibaado uu Alle SWT ku faray ogow in aad u dhaw dahay Alle SWT, Rasuulka ka sugan, “Addoonku wuxu Alle ugu dhaw yahay markuu caabudayo.” Waxa looga jeedaa markuu sujuudsan yahay. Qofku halka uu mar walba uskaga ka ilaaliyaa waa wajigiisa, uma ogola in wax yari ka gaadhan, sidoo kale haddii wax lagu soo tuuro markaba wajiga ayuu qariyaa, waxa uu u qarinayaana waa inaanu u ogolayn wax wajiigisa xumeeya. Haddaba qofku marka uu cibaadaysanayo wuxu madixiisa u foorariya waliba dhulka u dhigaa waa Alle SWT dartii, taasa ah abaal weyn oo Alle SWT kuu ogsoon yahay, adiguna waxa aad sharaf ku helaysaa kolba inta aad Alle SWT isku dhul dhigto.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub