Wasiirka Waxbarashada Oo Tabobar U Furay Macalimiinta Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee Magaalada Hargeysa

Haregysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Pro. Faarax Cilmi Geedoole ayaa maanta tabobar u furay maamuleyaasha dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada Hargeysa.

Tabobarkan oo furitaankiisa ay ku wehelinayeen wasiirka waxbarashada agaasimaha guud ee wasaaraddaas ayaa ugu horeyn waxa madashaasi hadallo kooban ka jeediyay, isla markaana ka warramay ujeedooyinka ay ka leeyihiin tabobarkan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Pro. Geedoole oo ka hadlay furitaankii tabobarkaas ayaa u mahad-naqay dhamaanba kazoo qaybgalayaasha tabobarka, isagoo tilmaamay inay wasaarad ahaa ay xil weyn iska saarayaan sidii ay u tayayn lahaayeen macalimiinta.

“Waxaynu ognahay inay baaba’een kulliyadihii macalimiinta lagu tabobari jiray oo ay dagaalladii raaceen, waxaynanu ognahay in tabobarkii macalimiintu uu noqday mid aynu daba fadhiisano cid kale oo haddii hay;addii wax tabobaraysay la waayo cid macalimiintii tabobaraysaa aanay jirin. Waxa kale oo la ogaaday in tabobarada ay cid kale samaysaa aanay ahayn qaar nidaamka waafaqaya, waxaana jira in farqi weyni u dhexeeyo macalinka tabobaran iyo ka aan tabobarayn.” ayuu yidhi wasiirku.

Somalilandpost.net