Jaamac Shabeel Oo Mucaaridka Ku Eedeeyay In Ay Ka Baxeen Heshiiskii Ay La Galeen Xukuumadda iyo KULMIYE

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga KULMIYE ayaa labadda xisbi  mucaarad ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay in ay ka baxeen heshiiskii ay wada jirka u  gaadheen saddexda xisbi qaran iyo  xukuumaddu.

Heshiiskaasi oo ahaa   in doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan bisha December 2016-ka, sidaasina waxaa sheegay  guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge(Jaamac shabeel) oo  xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN.

“Xukuumadda iyo xisbigeedda KULMIYE mawqifkoodu wuu cad yahay arrintaana heshiis ayaa laga gaadhay,  oo la wada galay.  dhankayagana heshiiskaasi waa sidaanu u galnay anaga (xukuumadda iyo KULMIYE) ayay noo taallaa sidaanu u fulinayno.  Laakiin  cidda ka baxday iyaga ayay u taallaa wax aanu ka baxnay  oo xagayaga ka yimidna ma jiro” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Isagoo  hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Go’aanka guurtida cidda diiday iyagaa og waxay yeelayaan go,aankaasina waa mid sharci ah anaga ayaanay too taalla sidaanu isu waafajinayno  una diyaara labadaba in aanu fulino  labada xisbi mucaaridna waxaanu kula heshiinay waanu fulinaynaa hadday iyagu diidaanna waxaan u aragnaa in ay iyagu ka bexeen.”

Sidoo kale Jaamac Shabeel,  oo la waydiiyay in ay mar kale wada hadal la furayaan axsaabta mucaaridka ah iyo in kale mar haddii uu muran ka dhashay heshiiskii hore.

Waxa uu ku jawaabay “Wada hadal marbaa la furay waanu dhamaaday waxna waa lagu heshiiyay heshiiskii aanu wada galnay fulintiisuna waa naga diyaar  wada  hadal kalena ma jiro oo wax laga wada hadlo oo kale anagu(KULMIYE)  garan mayno kol haddii aanu diyaar u nahay fulinta waxaanu ku heshiinay cidda ka baxdayna iyagay u taalla ”ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cigge.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE waxa uu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay   kooxda  la baxday Madasha Wadatashiga. Kaasi oo ahaa   in xubno ka tirsan kooxda la baxday madasha wadatashiga oo sheegay in ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ka dacweeyeen  dawladda Ingiriiska.

“Haddii  la iska  hadlayo  wax kasta waa la iska odhan karaa,  waana hadal aan macno lahayn oo la iska yidhi sababtoo ah Xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE  waxay hoggaanka dalka kula wareegeen doorasho ay dadkoodu ku doorteen.

 Waxaanay  haystaan kalsoonida shacabkooda waxaana hubaal ah in imikana ay bulshadu diyaar u  tahay in ay mar kale Xukuumadda iyo KULMIYE codkooda ku  ninka  yidhi cid baan ingiriis ka dacweeyay waa nin kalsooni  ka waayay shicibkiisa oo cidla  ku wareegaysanaya  Ingiriiska ay leeyihiin waanu ka dacwaynayna dacwad loo gudbiyay Somaliland waxba laguma yeeli karo midda kale ingiriis  horta intaan cid laga dacwayn ma yahay dal ina aqoonsan.

 Dal  aan Somaliland-ba aqoonsanayn masuuliyiin ayaan ka dacwaynay waa hadal tiro iyo nin albaab xidhan oo silsilado ku qufulan garaacaya markaa iska garaac ayaan leeyahay gacmuhu ha kugu daalaan”ayuu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE.

 Source: DAWAN