Mid Ka Mid Ah Shilalkii Baabuur Ee Ugu Yaabka Badnaa Dunida Oo Ka Dhacay Koonfur Afrika

Durban, (SLpost)- Dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay mid kamid ah Shilalka gaadhi ee ugu yaabka badan ee Dunida ka dhaca, waxaana gaadhi shil galay uu dusha sare ka galay Guri kuyaala Magaalo Xeebeedka Durban ee Dalka Koonfur Afrika.
image (1)
Ninkii gaadhiga waday ayaa sheegay in baabuurkani xilli uu kasoo dagayay goob dalcad ah xawaaraha uu ku socday awgeed uu awoodi waayay in uu xakameeyo, isagoo intaasi ka dib cagaha dhulka ka qaaday,taasina keentay inuu noqdo sidii wax hawada u duulay,isagoo intaasi kadib dusha sare ka galay  guri  ku yaala agagaarka jidka shilkaasi ka dhacay ee Deegaanka Kwamakhutha ee Magaalada DURBAN,sida wadihii baabuurkaasi sheegay.

Darawalkii gaadhigaasi waday iyo ruux kale oo hurday guriga uu gaadhigu  ku dhacay ayaan waxbo ku noqon shilkaasi, waxaana lagu tilaamay Shilkan gaadhi mid layaab badan maadaama gaadhiga isaga oo duulaya uu saqafka kore ka galay Guri la daganaa.

Dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah Dalaka ugu badan ay ka dhacaan Shilalka baabuurtu, waxaana Dalkaasi ugu dhinta  dad aad u badan halka ay tiro kale oo badan ku dhaawacmaan, waxaana sababaha shilalkaasi lagu sababeeyaa masuuliyad darada wadayaasha baabuurta oo ku socda xawaare aan caadi ahayn.

image (2) image