Qaramada Midoobay Oo Dhaleeceeyay Doorashadii Burundi

Bujumbura, (SLpost)- Goob-joogeyaasha Qaramada Midoobay ayaa dhaleecaysay doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa dawladda hoose ee Isniintii ka dhacay dalka Burundi.burundi

Goob-joogeyaasha ayaa sheegay in xaaladda ka taaganayd deegaanku aanay u sahlayn in la qabto doorasho xor ah, lagu kalsoonaan karo, isla markaana loo dhan yahay.

Ka dib markii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza ku dhawaaqay dabayaaqadii bishii April in uu u tartami doono xilka madaxtinimada, ayaa tobaneeya qof lagu dilay dibad-baxyo, sidoo kalena waxaa dhicisoobay iskuday afgambi.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku booriyay hogaamiyeyaasha Burundi in nabadda ay ka hormariyaan siyaasadda.

Doorashadan oo ay qaadaceen mucaaradku, ayaa lagu qabtay waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeedhay xilli ay jirto cabsi baahsan iyo cagajuglayn ka socotay qeybo ka tirsan dalka.