Xildhibaan Cali-Barre Oo Cambaareeyey Jidh Dil La Sheegay In Aqalka Madaxtooyada Loogu Geystey Mudane Xasan Cawaale Caynaan

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo katirsan Aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si kulul u cambaareeyey dhaawacyo iyo jidh-dil la sheegay inay ciidanka madaxtooyadu u geysteen Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isla golaha wakiillada katirsan.
Xildhibaanka oo Xalay Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyksa Hubaal, ayaa sheegay in xildhibaanka Madaxtooyada lagu weeraray u waxyeello aad ah qabo, waxana uu cambaarayn dusha ka saaray dhacdada lagu dhaawacay xildhibaanka,“waxan si aad iyo aad ah u cambaaranaynaa tallaabada taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ciidamadiisu u garaaceen xildhibaan xasan cawaale Caynaan, sida uu xildhibaanku noo sheegayna taliyaha ayaa ugu horreeyey wax gacanta saara, ilaa labaatan askarina way ku gadoodeen oo dhulka ugu tuuray, wasiirka arrikaha Guduhuna goobtuu joogay oo raggii ka qabtay buu kamid ahaa.” Ayuu yidhi Xildh. Cali-barre. Xildhibaan Cali-barre waxa uu sheegay inay ciidamada amaanku caado ka dhigteen waxyeellaynta Mudanayaasha Wakiillada, isagoo intaas ku daray in qaar hore oo dhibaatooyin geystayba aan waxba laga qabinin, waxana uu yidhi, “Ciidanka Booliska iyo ciidanka Madaxtooyadu inay xildhibaanada Gacan saaraan maanta ugu may horrayne dhacdooyin hore oo badan baa jirey wax laga qabtayna ma jirto, xildhibaankuna xasaanad buu leeyahay oo waa astaantii qaranka, wax laga qabtayna ma jirto. Askarigu waxa uu samaynayana madaxdiisuu ka ogyahay hadday tahay wasiirro iyo taliya-yaalba waxanu aaminsanahay inay askarta ku ogyihiin falalka ay samaynayaan.” Waxa uu xildhibaanku wax laga xumaado ku tilmaamay in dhacdadaasi ka dhacdo madaxtooyadii dalka looga talinayey, waxana uu intaas ku daray inay astaan u tahay xukuumad cimrigeedu gabaabsi yahay, “Waxanu ka xunnahay inay arrintaasi madaxtooyadii ka dhacdo, xukuumad la dagaallamaysa Xeer-dejintiina astaamaheeda waa la yaqaannaa oo inay khaatumo darro ku damayso ayey astaan u tahay.”ayuu yidhi Xildh. Cali-barre. Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku sheegay inay gole ahaan tallaabo adag qaadi doonaan, waxana uu farriin u diray madaxweynaha somaliland, waxana uu yidhi, “Goluhu markuu furmo tallaabo sharci ah baanu ka qaadaynaa, Madaxweynahana waxanu usoo jeedinaynaa arrinkaas haddaanad wax ka qaban cawaaqib xumo ayuu ku dambaynayaa, dib dambena ugu dul qaadanmayno haddaanu nahay Xildhibaanada Golaha Wakiillada.”
Source: Hubaal