“Waxaan idiin balan qaadayaa inaanu annagoo isticmaalayna diblomaasiyad aynu jaadka Miirooga gaadhsiin doono Somaliland” Ruto

Hargeysa, (Slpost)- Madaxweyne-xigeenka wadanka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dawladooda oo adeegsanaysa diblomaasiyad ay ganacsiga jaadka Miirooga gaadhsiin doonto Jamhuuriyadda Somaliland.Former Kenyan Cabinet Minister Ruto stands inside his house after hearing the news from the International Criminal Court, in Nairobi

Mr. William Ruto, wuxuu hadalkan ka sheegay munaasibad Jimcihii ina dhaafay loo sameeyay maalgashiga gobalka MERU ee uu qaadka Miiroogu ka baxo oo deegaankas lagu qabtay.

Badhasaabka gobalkaas MERU Mr. Peter Munya oo kulankaas maalgashiga ah ka hadlay ayaa dawladda Kenya oo uu metelayay madaxweyne-xigeenku ka dalbaday inay xidhiidh ganacsi oo diblomaasiyad ku dhisan la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay inay tahay suuq dihin. “Waxaanu aad uga codsanaynaa mudane madaxweyne-xigeen xafiiskaaga iyo dawladuba inay xidhiidh ganacsi oo aanu qaadka ugu dhoofino la yeesheen Somaliland oo ah gobal ka go’ay Somaliya.” Ayuu yidhi badhasaabku isagoo intaas raaciyay, “Suuq badan oo waxyaabaha Kenya iibgayso looga baahanyahay weeye Somaliland. Markaas inaad la xidhiidhaan ayaanu idinka dalbanaynaa.”

Madaxweyne-xigeenka Kenya William Ruto oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa ka jawaabay hadalka dalabka ah ee badhasaabka gobalka Meru, waxaanu yidhi, “Waxaan idiin balan qaadayaa inaanu annagoo isticmaalayna diblomaasiyad aynu jaadka Miirooga gaadhsiin doono Somaliland oo ah suuq dihin sida uu sheegay guddoomiye Munya.” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne-xigeenka Kenya. Waxa kale oo uu sheegay inay ku dedaali doonaan inay ganacsatada Kenya Somaliland gaadhsiiso ganacsiyo kale.

Dawladda Kenya ayaa dhawr sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, laakiin xafiiskaas ayaan weli la furin. Hase yeeshee dawladda Somaliland ayaa magaalada Nayrobi ee Kenya 15-kii sannadood ee u dambeeyay ku leh xafiis iyo wakiil ka shaqeeya danaha Somaliland.

Source-Geeska