Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inay Cuna-qabatayn Saartay Lix Sarkaal Oo Reer Koonfur Suudaan Ah

Juba, (SLpost)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix sarkaal oo u dhashay dalka Koonfurta Sudan oo lagu eedeeyay inay hurinayaan dagaalka dalkaasi ka socda.S. Sudan

Janaraaladan oo si siman loogu qeybiyay labada dhinac ee ay u dhaxayso colaadda ayaa waxa ay wajahayaan xayiraado dhanka socdaalka iyo dhaqaalaha ah.

Cunaqabataynta ayaa waxay imanaysaa maalmo ka dib markii ay Qaramada Midoobay soo saartay warbixin eedo loogu soo jeediyay ciidammada dawladda,, kuwaas oo la sheegay in ay kufsadeen oo ay nolosha ku gubeen haween iyo gabdho yaryar oo ku noolaa gobolka saliidda qaniga ku ah ee Unity State, intii uu socday dagaal ka dhan ah ciidammada fallaagada.

Dadka cunaqabataynta lagu soo rogay ayaa waxa ka mid ah abaanduulaha ciidammada ilaalada u ah madaxweyne Salva Kiir iyo laba janaraal oo kale oo hogaaminaya ciidammada ku sugan gobolka Unity ee ay ka dhacday qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee colaadda halkaasi ka taagan.

Sidoo kalena cunaqabataynta uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay saamaynayaan saddex hogaamiye oo sarsare oo aad xulafo dhaw ula ah hogaamiyaha fallaagada Riek Machar.

Bayaan ay soo saartay safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Samantha Power, ayey ku sheegtay in dhammaan dhinacyada mas’uulka ka ah gabood-fallada ka dhacay Koonfurta Sudan ay tahay in lala xisaabtamo.

Todobaadka soo socda Koonfurta Sudan ayaa waxa ay u dabaaldegaysaa sanad guuradii afraad ee ka soo wareegatay markii ay qaadatay xorriyadda.

Ugu yaraan 2 milyan oo qof ayaa la barakiciyay tan iyo markii uu dagaalku ka bilaabmay Koonfur Sudan bishii December ee 2013-kii.