Madaxweyne Siilaanyo oo Golihiisa Wasiirada ku soo kordhiyey Siyaasi Mucaarad ku ahaa Xukuuumaddiisa

Khubadda Madaxweyne Siilaanyo Xuska 18 May: “Waxaanu Bulshada Caalamka ugu baaqayna in ay si qoto-dheer uga fiirsadaan dhismaha ciidanka cusub ee Soomaaliya iyo hubka lagu soo daldalayo”Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa digreeto uu caawa soo saaray magacaabis iyo isku-beddel ku sameeyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Waxa uu Madaxweyne Siilanayo u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha inuu noqdo Mawliid Maxamuud Ibraahin oo ahaa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaanu wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ah u magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) oo ka mid ahaan jiray Xisbigii burburay ee UDUB, markii dambe ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID, ka hor intii aanu badhtamaha sannadkii hore ku u diga-rogan xisbiga Kulmiye.

Digreetada madaxweynuhu magacaabista iyo isku-beddelka ku sameeyey labada masuul, ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3392/062015, ku magacaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, isaga oo wasiir ku xigeenkii horena u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

axmedkeyseIn Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Beddel (Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah)

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”