Wasiirka Beeraha Iyo Xubno Ka Tirsan Qaadhaanbixiyeyaasha Taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland Oo Kormeeray Beero Horumarin Lagu Sameeyey

Hargeysa, (SLpost)- Wefti uu hogaaminayo wasiirka Beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa safar shaqo oo koremeer ah ku tagay horumarin iyo wax ka qabasho uu Mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland ku sameeyey deegaano beeralay ah oo ka tirsan Gobolka Maroodijeex galbeedkiisa, iyada oo kormeerkan ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Beeraha iyo masuuliyiin ka socday qaadhaanbixiyeyaasha taageera sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Wasiirka Beeraha ayaa waxa safarkan ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Agaasimaha waaxda wax soo saarka wasaaradda Beeraha Ibraahim Cumar, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, iyada oo dhinaca qaadhaan bixiyeyaasha taageera sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ay ka socdeen masuuliyiin ka socday hay’addaha DANIDA iyo DFID.

Weftigan ayaa waxa ay soo kormeereen beero biyo qabatin iyo casriyeyn casriya lagu sameeyey oo ku yaala Laalays, ceel biyood uu qoday mashruuca sanduuqa horumarinta ee SDF qaybta horumarinta beeraha ee biyo iyo ciidda qabatinka oo laga qoday Horicadaad, isaga oo wasiirku sheegay inay ku han wayn yihiin inuu mashruucani tusaale u noqdo mashaariicda kale ee dalka laga hirgalinayey, waxaanu yidhi isaga oo wasiirku arintaasi ka hadlaya “Waxaanu ku han weynahay in mashruucani tusaale u noqdo mashaariicda kale ee dalka laga hirgalinayo”.

Mashruuca horumarinta Somaliland ee SDF oo la shaqeeya wasaaraddo ka mid tahay wasaaradda Beeruhu ayaa waxa uu wasaaradda Beeraha kala shaqeeyaa hirgalinta ciida iyo biyo qabatinka oo laga samaynayo galbeedka Maroodijeex oo ku teedsan deegaanada ku dhaw Aburiin.