Daawo Muuqaalka Qaabkii loo Dilay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Dalka Masar

qaraxQaahira (SLpost)- Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar, Hisham Barakat, ayaa Isniin shalay lagu dilay Qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu la socday badhtamaha magaalada Qaahira.
Xeer ilaaliyihii Guud ee wadanka Masar Hisham Barakat ayaa qarax lala beegsaday isagoo maraya meel u dhaw kuliyad Boolis oo ku taala degmada Heliopolis ee magaalada Qaahira, kadib markii qarax xoogani haleelay gaadhigiisa.
Hisham Barakat ayaa dhowr jeer oo hore loo diray farriimo hanjabaad ah, iyadoo lagu eedaynayo xukunadda uu inta badan uu ku soo oogo dadka ka tirsan xarakada Ikhwaanu Muslimiinka Masar.
Halkan ka daawo Muuqaal 3D ah oo laga sameeyey Qaabkii uu u dhacay weerarka lagu bartilmaameedsaday Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Masar.