Burundi Oo Doorasho Looga Dareeray Iyo Midawga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay

Bujumbura, (SLpost)- Madaxa ururka Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Suma ayaa walaac ka muujisay waxay ugu yeedhay wal-bahaarka arrimaha siyaasadda iyo xaaladda dalka Burundi, iyadoo sheegtay in goob-joogeyaal ka tirsan ururka Midowga Afrika aanay ka qeyb galeynin doorashada maanta ka billaamatay dalka Burundi.Burundi

Nkosazana Dlamini Suma ayaa sheegtay in Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta gobolku ay dawladda Burundi ugu baaqeen inay dib u dhigto xilliga doorashada, balse xukuumadda Burundi aanay aqbalin codsigooda.

Go’aanka madaxweyne Pierrre Nkurunziza ee ah in uu mar saddexaad u tartami doono xilka madaxweynenimada ayaa horseeday af-gembi dhicisoobay iyo rabshado ka dhacay dalka Burundi.

Somalilandpost.net