“Ciddi Waxba Weydiin Mayso Wasiirrada Ku Dawakhay Xilka Madaxweynuhu U Dhiibay, Waana…” Jaamac Shabeel

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge(Jaamac Shabeel),ayaa sheegay in ay lama taabtaan tahay muddo kordhinta aqalka odayaashu  ay u sameeyeen Wakiiladda iyo Xukuumadda.

Waxaanu intaa ku daray in guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro  uu guddoomiye ku yahay muddo kordhintii guurtida laga bilaabo 28 jully 2015 isla markaana Madaxweyne Siilaanyona taa Madaxweyne ku yahay go’aankaasina  uu yahay mid dastuuri ah oo  aanay cidina wax ka bedeli karayn.

Jaamac shabeel ayaa sidaa ku sheegay mar uu  shalay warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

Ugu horrayn Jaamac Shabeel oo la waydiiyay  xalkii siyaasiga ahaa ee Xukuumadda iyo asxaabta qaranu ka gaadheen khilaafkii muddo kordhinta guurtidu sababtay oo lagu eedeeyay xukuumadda iyo xisbigeedu in ay ka baxeen wuxuu yidhi. “horta waa laba arrimood oo kala gaar ah oo u baahan in la kala fahmo  Xukuumadda muddo krdhinteedii waa la sameeyay  guurtida ayaa samaysay waana sharci taasi waxaanay ka bilaabmaysaa bisha July 28-keeda ee sannadkan  wixii bisha July 28-keeda ka bilaabma waxay Xukuumadda iyo golaasha qarankuba ay sharci ku yihiin oo ay kuraasida ku fadhiyayaan waa muddo kordhinta Guurtida Cabdiraxmaan Cirro wuxuu guddoomiyaha wakiilada ku sii ahaanayaa   waa muddo kordhinta guurtida, Madaxwayne Siilaanyana wuxuu  Madaxweyne ku yahay waa taas sharciyaddaasina maaha mid muran ku jiro ama muran laga dhex  dayo maaha,waana qof dalka duminaya qofka sharciyadda ka dhex daya wax muran ah.

Waxaa kale  oo u  baahan in la fahmo annagu(KULMIYE) haddii aanu xisbi xaakimka nahay heshiis ayaanu la galnay asxaabta mucaaridka heshiiska aanu la galnay labada Xisbi mucaaridna wuxuu ahaa in doorashadda la qabto December 2016-ka heshiiskaasina uma dhigmo ama maaha mid meesha ka saaraya sharciyadda dalka.

Waxaanu  xisbiyada heshiis kula galnay in doorashooyinka aanu qabano December  2016 haddii ALLE yidhaahdo.  Haddaba, waxaa u baahan in la fahmo faraqa u dhexeeya heshiiska aanu  labada xisbi mucaarid la galnay iyo mudada uu dhigayo iyo mudada sharciyaddii golaha guurtidu kordhisay ay dhigayso farqiga u dhexeeya  waa laba bilood annagu heshiiska aanu xisbiyada la galay wuxuu leeyahay december 2016 hala qabto sharciyadda guurtidu ansixiysanay wuxuu leeyahay mar 2017 hala qabto markaa mudada u  dhaxaysaa waa laba bilood oo kaliya maalinta doorashadu ka qabsoomayso labadaa bilood ta ay  noqotabana cidda magacaabaysaa waa gudiga doorashooyinka.  markaa horta farqi badani uma dhexeeyo wax dalka dhibaato loo galiyona maaha wax laba bilood soo gaadhay,laakiin waxaan leeyahay baroortu ceesaanta ka weyn.”

“Annagu waxaanu qabnaa in doorashadda la qaban karayo  wakhtigaa aanu  xisbiyada heshiiska kula galnay haddii la  la dhameeyo  oo laga wada hawl galo caqabadaha markii horeba keenay in doorashooyinku dib u dhacaan,sababtoo ah imikaba waxaa keenay in ay doorashadu dib u dhacdo hawlo ay ahayd in la qabto oo aan la  qabanin,”ayuu ku dooday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE.

 

Jaamac Shabeel ayaa intaa ku daray in ay u muuqato in doorashooyinku  mar kale dib u dhici karaan haddii aan la dhammayn caqabadaha hor yaalla.

“Waxaanu qabnaa  haddii aan imika la dhammayn caqabadaha doorashadda hor yaalla oo ay arrintuba noqoto oo kaliya Doorasho,Doorasho oo doorasho uun uu hoonku kaga dhego imika 2017 ka ayaa laga qaylinayaaye waxaa iman doonta in ay dib ugu dhacdo 2020 ka  waxaa weeye hawl badan ayaa taalla oo la wada leeyahay,  waana ayaan darro haddii cajaladu mucaaridka ay kaga dhegto Doorasho markaa imika waxaa loo baahan  yahay in laga wada shaqeeyo oo hareeraha la wada qabto hawlaha yaalla ee  lagama maarmaanka u ah qabsoomida doorashadda hawlahaas oo ay ugu culus tahay saami qaybsiga  kuraasta  xildhibaanada wakiiladu haddii hawlahaa  la wada wabto oo ka hor la dhameeyo doorashadda December waa la qaban karaa,”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Guddoomiye Jaamac oo la weydiiyay haddii go’aanka muddo kordhinta guurtidu sharci yahay sababta ay wada hadalka asxaabta mucaaridka ula galeen waxa sababay in ay tahay cadaadis dibada kaga yimi ayaa ku jawaabay.“Maya wax cadaadis ah oo dibadana nagaga yimi ma jiro  garashadayada ayaa na siisay in aanu la hadalno mucaaridka.   waana wax caadiya oo dhaca markaad mucaaridka tahay in aad qayl qayliso oo annaguba waanu qaylin jirnay laakiin marka uu go’aan soo baxo halkaasaan ku dayn jirnay.  laakiin siimaanu hadli jirin waxay ahayd in ay  mucaaridku shaqaystaan oo ay golaha guurtida ka shaqaystaan muddo kordhintii ugu dambaysay markii aanu mucaaridka ahayn annaguba waanu qaylinaynay laakiin sidan oo kale aamu ahayn ee guurtida ayaanu ka dhex shaqaysanay oo aanu  cod ka helnay oo in badani naga taageertay.

Ta aanu  mucaaridka ugu yeedhnayna  hawlaha ina hor yaalla ayaa u baahan in si midnimo ah looga wada shaqeeyo oo looga wada hawl galo wada jirna wax loo wada qabto   haddii arrintu noqoto mudac mudac ku taagna hawlo dhammaanaya maaha markaa niyad wanaag iyo wada jir in loo wada shaqeeyo ayaanu ugu yeedhnay laba biloodna anaga (KUMIYE ) wax dhibaato ah naguma aha hadday Desember noqotona diyaar ayaanu u nahay laakiin in hawl la qabto ayaanu mudnaanka koobad u aragnaa tusaale ahaan  sanad kasta ma diiwaan galin ayanu dad kale barinaa  oo aynu nidhaahnaa naga  caawiya mise mar ayaynu samaysanaa mid ina anfacda oo mustaqbalkeena wax ka tarta,waxaa kale oo ay keenayaan haddi la dhameeyo arrimaha diiwaan galinta,saami qaybsiga wakiilada iyo xeerarkani in aanay dib dambe u dhicin wax korodhsiimo la yidhaahdaa  laakiin intay qabyooyinkaasi jiraan mar walba way imanaysaa  muddo kordhintu.”

Jaamac  Shabeel oo la waydiiyay Xisbiga KULMIYE muddo kordhinta Guurtida iyo heshiiska ay xisbiyada wada gaadheen ka ay taageersan yihiin ayaa yidhi.  “Horta midi waa sharci cid  sharciyadda diidi karta oo ka saraysaana ma jirto waana lagu wada qasban yahay in loo wada hoggaansamo laakiin ta aanu asxaabta ka galnay waxaa weeye haddii inta ka horraysa ay hawluhu inoo dhamaadaan doorashada waynu qabsan karnaa Desember taasi hadday suuragashunao mar kale ayaanu guurtida ula tegaynaa in ay is waafajiyaan in doorashadu Desember qabsoonto iyo mudada ay kordhiyeen laakiin iyadoo aan hawlba la qaban oo aanay waxba diyaar ahayn wax guurtida loola tagaa meeshaba ma taallo. Waxaan leeyahay caqabadaha doorashada ka horreeya  aan ka wada shaqayno markay taasi dhamaato diyaar ayaanu u nahay in ay doorshadu Desember qabsoonto heshiis aanu ka baxnayna ma jirto diyaarna waanu u nahay waxaanu ku heshiinay laakiin waxaan leenahay wax aynu guurtida ula tagno imika ma hayno oo   waxba kamaynaan qaban caqabadihii jiray.”

Jaamac shabeel ayaa intaa ku daray jawaab uu  ka bixiyay hadal uu guddoomiye Cirro ku eedeeyay  oo ahaa in KULMIYE iyo Xukuumaddu heshiiskii ka bexeen waxaanu yidhi. “Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro isagaa doorashada  gacantiisa ku dabray oo isla doontay in ay isku mar dhacaan doorashada Madaxtooyada iyo Wakiiladu isagoo ka baqaya in tiisa la soo hor mariyo isagoo aan soo diyaarin xeerkii lagu dooran  lahaa golihiisa muxuu imika uga qaylinyaa markii tiisii la qaatay ee Madaxweynuhu ka ogolaaday in labada doorasho mar la wada qabto,doorashada Madaxtooyadu diyaar ayay ahayd wax caqabad ahina may hor oolin laakiin labada doorasho ee uu xeerka ku lamaaneeyay ayaa dib u dhaca keenay Cirro ayaana sababay markaa imika in ay la xumaato maaha wax uu sababteeda leeyay.”

Jaamac Shabeel oo bulshada farriin u diray ayaa sheegay in in ummad kasta jiritaankeedu ku xidhan yahay siday sharciyadda u ilaaliso waxaanu bulshada kula dardaarmay in  aanay run u qaadan hadal kasta oo ay maqlaan laakiin muhiimadu ay tahay sharciyadda oo lagu dhaqmayo.  “horta haddaad aragto umad duntay waxay ku dhaqmi wayday oo ay ixtiraami wayday sharcigii u yaallay markaa jiritaankeena iyo dadnimadeenuba waxay ku jirtaa  ku dhaqanka sharciyadda dalka u taalla cid sahrciga ka waynina ma jirto haddaynu sharciyadda u  hoggaansami waynana ma jirayno markaa si aynu u ilaalino jiritaankena waxaa qasab inagu wada ha in aynu ilaalino kuna dhaqano sharciyadda dalka Xukuumadda ayaana ka masuul ah in ay inagu wada ilaaliso ku dhaqanka sharciyadda.”

Mar la weydiiyay KULMIYE  markii uu mucaaridka ahaa wuxuu diidanaa muddo kordhin maxaa sababay in ay imika oo ay talada hayaan ay ku farxaan yaa ku jawaabay. “Anagu  marnaba muddo kordhin diyaar umaanu ahayn imikana uma nihin haddaanu doonayno  muddo kordhina sadex sano ayaanu guurtida ka dhamaysan lahayn Madaxweynahana lagama maqal muddo kordhin ayaan doonayaa KULMIYENA lagama maqal  doorashada aanu qaban karaynay ee anaga nagu xidhnaydna ta madaxtooyada ayay ahayd waana naga diyaar laakiin sidii Cirro isugu xidhay ayay isugu xidhnaanayaan.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay musharaxooda rasmiga ah ee KULMIYE uga tartamaya doorashada Madaxtooyada iyo kalsoonida ay ku qabaan in ay doorashada ku soo baxayaan  ,ayaa ku jawaabay. “horta dadka  na waydiinaya cidda KULMIYE u musharax ah sababtoo ah Madaxweynaha ayaa noo musharax ah Wasiirada yidhi musharax ayaan ahayna waa  qaar iska riyoonaya markaa musharaxayagu wuu cad yahay wasiirada aad leedahay waa musharaxna isagaa og halka uu ka sharaxan yahay, doorashadda kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa in aanu ku guulaysanayno oo waliba cod kii hore ka badan aanu ku soo baxayno sababtoo ah waxaanu dadka ula nimi buug giriin ah oo aanu dadka ugu soo bandhignay waxaanu qaban doono taana waanu qabanay imika caqabada kaliya ee nagu hadhay waa biyo balaadhinta Hargeysa  taana waxaanu ku talo jirnaa intaan doorashadaba la gaadhin in reer Hargeysa labada gacmoodba ku maydhaan. Shirka golaha dhexena wakhtigiisii  lama gaadhin marka la gaadho ayaana la qaban doonaa.”