SHALAY & MAANTA: Daawo Warbixin laga diyaariyey Wejiyada Siyaasadeed ee Cali Waran-cadde, Ujeeddadii iyo Doorkii uu ku lahaa Burburkii UDUB

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa wasiirkiisii hore ee Duulista Hawada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inuu Xil-wasiirnimo ku doortay isla markaana uu ka dambeeyey burburkii Xisbigii UDUB oo uu Md Rayaale ku wareejiyey markii xisbiga Kulmiye talada dalka kaga guulaystay Shan sanno ka hor.

Daahir Rayaale oo shalay ku soo laabtay dalka muddo dhowr sanno ah oo uu ku maqnaa waddanka Faransiiska oo wakhtigan uu deggen yahay, waxa uu sheegay inuu ka shallaynayo go’aankii uu ku taageeray ugu wareejiyey masuuliyadda Xisbiga Cali Waran-cadde oo isu-taagay murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbigii UDUB, muddo laba sanno ah kaddib markii xilka wasiirnimo looga dhiibay xukuumadda Kulmiye uu ku faanay inuu gacantiisa ku burburiyey Xisbigaas.

warancadeWaxa ay ahayd muddo laba bilood ah ka hor markii Cali Waran-cadde oo ah wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Kulmiye uu warbaahinta horteeda kaga faanay in isagoo ujeeddo siyaasadeed leh uu gacantiisa ku burburiyey Xisbigii UDUB.

Haddaba, waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin koobsanaysa mowqifyadii siyaasadeed ee Cali Warancadde xilliyadii uu ahaa Xisbigii UDUB iyo Xisbiga Waddani oo uu markii dambe ku biiray ka hor intii aanu u diga-rogan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Halkan ka daawo warbixintan oo Telefishanka STAR TV diyaariyey.