Tirada Qaxoontiga Sannadkan Gaadhay Yurub Oo La Shaaciyay

Geneva, (SLpost)- Hay’addaha qaramada midoobay ee UNHCR iyo IOM ayaa shaaciyay tirada qaxoontiga sannadkan gaadhay dalalka Yurub, kuwaasoo ka gudbay badda Mediterranean-ka.Migrants

Hay’addahan ayaa tirada qaxoontiga Afrika ka tagey ee gaadhay dalalka Yurub ku sheegay inay ilaa hadda kor u dhaafeen 100,000 sannadkan gudihii oo keliya.

Hay’adda qaxoontiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR iyo hay’adda caalamiga ah ee socdaalka adduunka IOM ayaa bixiyey tirooyin isku mid ah oo muujinaya qaxoontiga gaadhay Talyaaniga iyo Giriigga, halkaasoo ay inta badan muhaajiriintaasi ka dhul bilaabeen.

Hay’dda caalamiga ah ee socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in tiradaasi ay muujinayso waxoogaa sare u kac ah, marka la barbar-dhigo, isla waqtigaas sannadkii hore, oo muhaajiriintu ay badnaayeen, laakiinse waxaa la filayaa in dadka badda ka gudbayaa ay sii bataan bilaha soo socda.

Somalilandpost.net