Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Imaaraatka Carabta

????????????????????????????????????

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa u kicitimay maanta Imaaraadka carabta oo ay weftigu ka heleen martiqaad rasmi ah.

Safarkan madaxweyanaha oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalka isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan inta ay ku sugan yihiin Imaaraadka sidii labada dal ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka labada dal iyo wada shaqayntii walaaltinimo ee horeba ay u wada lahayeen.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan mashaariic dhawra oo dani ugu jirto dalka iyo shacbiga Somalilandba.

Xubnaha madaxweynaha ku wehlinaayey Safarkiisa shaqo waxa ka mid ahaa

  1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
  2. Wasiirka W/Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka JSL, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse
  3. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan
  4. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali
  5. Wasiirka W/Arrimaha Gudaha JSL, Cali Maxamed Warancade
  6. Wasiirka W/Biyaha, Baashe Cali Jaamac
  7. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil
  8. Xoghaynta gaarka ah ee Marwada Madaxweynaha JSL, Sabaax Cali Diiriye

Somalilandpost.net

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????