Suldad iyo Saldananad Is-tabceeyey – Qalinka Garyaqaan Maxamed Cabdikariim

23Horta wakhtigan la joogo qabiil maxaa lagu qabaa ? waxa lagu qabaa afar shay oo kala ah Magta, Garta, Gacan qabashada, Shaqaalaysiinta. Qabiil hadii afartaa lagu qabo, sidee looga guuri karaa, afartaasina waa afar halbawle oo aad waawayne. Aan run nafteena u sheegno, qabiil lagama guuri karo inta uu xambaarsanyahay afartaa shay. Si kastoo aynu isku nacsiinana qabyaaladu way jiraysaa waanay joogaysaa, laakiin mala hubaa in qabyaalad laga guuri karo oo laga guulaysan karo iyo inkale? Qabiilku ma yahay mid afartaa shay xambaari kara, culayskoodana iska xejin kara? Jawaabtu waa maya. waayo afartaa shay way ka wayn yihiin tankii qabiilka loogu talo galay inuu qaado. Afartaa shay xambaaridooduna qabiil adhax jabay ku tahay. xanuunka afartaa shay ay qabiilka ku hayaan dhamaanteen waynu dareensanahay. Qaybahan inoo soo socda ayaa faahfaahinaya.

Wax kastoo culays lasaaraaba wuxuu leeyahay wax la yidhaahdo “Elastic limit” ama “xamil xadidan”. tusaale, hadii biriish tankiisu yahay 200 tan, ladul mariyo gaadhi 300 tan ah biriishkaasi wuu jabayaa waayo waxa kala batay awoodii biriishka dusha kaga timid iyo awoodii uu iskaga caabinayay, waxana badatay awoodii dusha kaga timid. sidookale hadaad biibiile afuufto oo aad neefta ka joojin waydo aakhirka wuu qarxi uun. sidoo kale hadaad weel biyo ku shubto, oo aad ku wado uun, aakhirka wuu fatihi. sidaadarteed, wax waliba wuxuu leeyahay xad aan la dhaafi karin; si taa lamid ah qabiilkuna wuxuu leeyahay xamil xadidan oo uu qaadi karo. hadii miisaankiisa miisaan ka badan lagu rarona, isdhalanrogbaa ku dhaca.

Waxaynu soo tilmaanay ash’yaa awoodoodii, awood ka badan lasaaray, oo ay qaar jabeen, qaarna qarxeen; qaar kalena ay fataheen, laakiin qabiilka xadkiisu waa masuuliyad qabiil, wax ka badana ma qaadi karo, bal ka waran hadaba hadii qabiilkii loo xambaariyo masuuliyad qaran tolow muxuu dareemi karaa, maxaase ka dhalan kara?

Badanaa qabiilku wuxuu dareemaa xanuun ka dhasha culayska masuuliyadeed ee dusha ka saaran, xanuunkaasina wuxuu isku badalaa xumad. Xumadaasina wax kale maaha ee waa qabyaalad. Sidaadarteed, qabyaaladu waa calaamad muujinaysa, jab, kalifaad iyo cadaadis. Waayo waxa meesha ka bixi kara islamarkaana jabi kara, biriishkii u dhexeeyay qabiil iyo qaran. Sideebuu qabiilku qaranimo u gaadhi karaa isagoo xambaarsan masuuliyadiisii mid ka badan? Sideebuu qabiilku qaranimo u gaadhi karaa isagoo tiisii iyo tii qarankaba isku darsaday? dee qabiilku isagiibaaba qaran ahe muxuu ku falayaa qaranimo.

Maadaama aynu nidhi qabyaaladu waa xumad, waxay ka dhalatayna uu yahay culays masuuliyadeed oo qabiilku dhakada iska saaray maxaa xal ah? Xalku wuxuu yahay in qabiilka sixmada iyo culayska saaran laga yareeyo. Waxaynu kor ku soo sheegnay qabiil waxa lagu qabaa inuu yahay afar shay. Afartaa shay oo kala ah: magta, garta, gacan qabashada iyo shaqaalaysiinta. Saddexda hore waxay ku soo ururaan hal erey oo ah “qaraabo xidhiidhin”, waxa soo hadhayaana waa shaqaalaysiin. Hadaba haduu qaranku qabiilka ka furto shaqaalaysiinta, culayskii saarnaa wuu yaraanayaa, sidoo kale xumadii qabyaaladana waa laga dawoobayaa. Intaa kadib, qabiilkii markuu nafiso ee culayskii ka yaraado hawsha sugaysaa waa qaraabo xidhiidhin, markaa qabiil waliba waa inuu dhexdiisa ka shaqeeyo oo is xidhiidhiyo. Laakiin intay sidaa tahay, ee qabiilku ku raranyahay masuuliyad aanu qaadikarin, xumadiina jirto, masuuliyadii qabiilka ee ahayd inuu ka shaqeeyo qaraabo xidhiidhinta ayaa lafteedu meesha ka bixi karta, waxana iman karta qaraabo goysnimo.

Qabiilku wuxuu gabay shaqadiisii wuxuuna isku raray shaqo aanu lahayn. Wuxuu dayacay masuuliyadii ahayd inuu dhexdiisa is xidhiidhiyo. isagoo tii horeba u taagla ayuu hadana isku qaaday masuuliyad aanu qaadi karin oo qaranku lahaa. Hadaba qabyaaladu ma tahay wax dhamaanteen in wada kafayn karta? Jawaabtu waa maya. dawakhaadaas qabyaalada ee qabiilku iska soo horaysiiyo ayaa badanaa waxay caqabad ku noqotaa hanaqaadkii iyo hiigsigii qaran ee lagu heshiiyay. waxaanay keentaa in qabiilka laftiisu dhexdiisa wax kala tabto, qaraabo xidhiidhintiina hoos u dhacdo. marka tabashooyinkaa maare loo waayana waxa dusha laga saaraa dawlada markaa talada haysa. Markaa qaran iyo qabiil keebaa gardaran? Hadaynu cabirno dareenkeena marka aynu u garnaqno waynu garan karaynaa labadooda kii gardaran, laakiin sidee looga guuri karaa qabyaalad iyo guruubaysi qadhmuun, looguna guuri karaa qaranimo, mid qudhana loo noqon karaa? Waa marka xor la noqdo. Aynu noqono xor oo aynu jahli ka xorono. Dan iyo dedaal maxaa kala haysta, waxaynu u baahanahay qorshayaal siyaasadeed iyo qaar bulsho oo xaqiiqada waajihi kara.

Gar.Maxamed C/kariim Axmed

solaado@gmail.com