Soomaalida Mareykanka Oo U Xafladeeyay Sarkaal Markii U Horeysay Ka Mid Noqday Ciidanka Booliska Gobolka Oregon

OreSomali-mareykangon, (SLpost)- Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Oregon, kaasoo lagu magacaabo Khaalid Ibraahim, isla markaana 24 sanno jir ah ayaa loo qaatay inuu noqdo sarkaal ka tirsan Booliiska Gobolkaas, isagoo noqonaya qofkii ugu horeeyay ee booliska sarkaal ka noqda marka la eego Soomaalida ku dhaqan gobolka Oregon.

Bulshada soomaali-mareykanka ah gobolkaas ku nool ayaa u dabaal-degay arrintaasi, isla markaana soo dhaweeyay, iyagoo ku tilmaamay mid taariikhi ah, sidoo kalena  wax ka tari doonta hagaajinta xidhiidhka Soomaalida iyo ciidanka booliska ee gobolka Oregon.

Khaalid Ibraamim ayaa kulan la yeeshay bulshada Soomaalida ku nool gobolkaasi oo ku faraxsan sarkaalkan Soomaaliga ah ee ku biiray booliiska, waxaanu kula dabaal-degay xaflad ay u sameeyeen oo ay kusoo dhaweynayeen xilkan soomaalida ku cusub ee uu qaaday.

Inkastoo ay tahay markii ugu horaysay ee gobolkaasi ciidankiisa uu ku biiro qof soomaali ahi, balse waxa kale oo hore u jiray  saraakiil kale oo  xilligan ka tirsan ciidanka ammaanka ee gobolada Mareykanka qaarkood.

Somalilandpost.net