“Madaxweyne 800 Oo Kun Oo Mitir Oo Dhul Ah Oo Madaarka Loo Xadeeyay Dadkii Deganaa Wax Bedel Ah Maanu Siin, Laakiin..” Wasiirka Hawlaha Guud

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid ahaa guddi uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay xadeynta dhulka madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal Airport ayaa ka warramay heerarkii uu soo maray xadeynta madaarku iyo duruufihii ka hor yimi muddadii ay hawshaas ku jireen.

Wasiirka oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad xadhiga lagaga jarayay balaadhin lagu sameeyay dhabbaha diyaaraduhu ka duulaan ee Cigaal Airport, xarun dab-demis oo cusub oo uu madaarku yeeshay iyo nidaam fududaynaya in habeen ay adeegsan karaan diyaaraduhu madaarka, ayaa sheegay inay tacab badan u soo mareen xadaynta dhulka uu ku fadhiyo madaarku, isla markaana ay hawl adag kala kulmeen.

HALKAN KA DHEGAYSO KHUDBADDII WASIIRKA:-

Wasiirka hawlaha gud