Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Oo Guddoomiyaha WADDANI Ugu Baaqay Inuu Raaligelin Siiyo Qaranka Somaliland

“Waxaan kula talinayaa saaxiibkay ha degdegin ee damacaaga u meel day, kana fiirso hadallada aan munaasibka ahayn ee liddiga ku ah qarankaaga”Maxamed-Rashiid

Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo talooyin iyo farriin culus u diray Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (SLpost)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Xasan, ayaa ka dalbay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) inuu raalligelin degdeg ah ka bixiyo baaqiisa ku wajahan in caalamku soo farogeliyo khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta ee u dhexeeya xukuumadda KULMIYE iyo axsaabta mucaaradka.
Dr. Maxamed-rashiid oo booqday xaruntaJamhuuriya shalay, waxa uu wax laga naxo iyo mucjiso ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye Cirro oo uu sheegay inuu yahay masuul qaran oo aan laga filayn inuu ku dhawaaqo hadal saamayn ku yeelan kara qaranka Somaliland oo ka badbaaday farogelin shisheeye muddo 24 sannadood ah oo uu xor yahay.

“Hadalka dhiilada leh ee ka soo yeedhay saaxiibkay Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ummadda Somaliland ku noqday mucjiso iyo la yaab aan marnaba laga filayn inuu ku dhawaaqo masuul xilal waaweyn qaranka u haya.

Waxaan jecelay in aan saaxiibkay xasuusiyo in Somaliland yahay qaran jira oo nabdoon, xorriyaddiisana kula soo noqday 1991-kii halgan qadhaadhaadhaa SNM horseedka ka ahayd oo boqollaal kun oo mujaahid ku naf waayeen, ku naafoobeen, kumanaan ubad ahna ku agoomoobeen, haatanna hareeraha ka taagan yihiin iyo hoggaamiyeyaashii halgankaas oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Axmed Mire iyo kumanaanka kale ee nafahooda qaaliga ah u soo huray xorriyadda, qarannimada iyo nabadda shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan 24-kii sannadood ee la soo dhaafay, kuna gaadheen xasilloonida, horumarka iyo dimoqraadiyadda caalamku ku majeerto ee aanay haysan qaar badan oo ka mid ah dalalka deriskeenna,” ayuu yidhi Dr. Maxamed-rashiid.

Waxa uu intaa ku daray, “Somaliland waa dalal madaxbannaan oo iskii wax u qabsaday, cadow badanna leh, hareerahana ka xigaan waddamo dhibaatooyin iyo dagaallo ka socdaan sida Soomaaliya, Yemen, Ciraaq, Suuriya iyo Masar.

Maanta caalamka oo dhan wuxuu dagaal ugu jiraa sidii uu qaran kastaa u ilaashan lahaa sharaftiisa, dadnimadiisa, dawladnimadiisa iyo ummadnimadiisa, iyadoo dhibaatada ugu weyn laga cararayaana tahay farogelin shisheeye oo aan cidna daah ka saarnayn caawqib xumada laga dhaxlo.

Boqollaal ka mid ah qurbo-joogga reer Somaliland ee daafaha adduunka ayaa waddanka ku soo laabtay, isagoo qof kastaa doonayo inuu gacan ka geysto horumarka dalkiisa; qaar waxay ka dhisteen guryo qurux badan, hudheello iyo ganacsiyo casri ah, taasna waxa u suurtogeliyey nabadda, dawladnimada, dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ku dhaaftay dalal badan oo deriskeeda ah.”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka hadlayey saamaynta laga dhaxlo farogelin dibadeed iyo talooyin uu u diray Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi; “Waxaan xasuusinayaa saaxiibkay haddii farogelin shisheeye xal lagu helayo tusaale waxa kuugu filan dalka aynnu deriska nahay ee Soomaaliya oo caalamka oo dhan ku guuldarraystay in laga hirgeliyo nabad iyo dawlad cagaheeda ku taagan muddo 24 sannadood ah oo Jamhuuriyadda Somaliland dhinac kasta ka dhisantay iyadoon cidna ka caawin horumarka, dhismaha dawladnimada iyo hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka ee ka hirgalay.

Saaxiibkay waxaan leeyahay waan ka naxay hadalkaaga siyaasiga ah oo saamayn ku yeelan kara xaaladda dalka aad madaxda ka tahay, haatanna ka doonayso kursiga ugu sarreeya iyo horumarka aan cidna ka caawin ee ay ku tallaabsadeen ummadda Somaliland. Cabdiraxmaanow lagaagama fadhiyin maanta inaad Somaliland ugu baaqdo farogelin shisheeye oo weliba degdeg ah, arrintaas oo ah mid dhaawacaysa qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee aad hadda xilalka waaweyn ka hayso, hoggaaminteedana u loollamaya.”

“Waxa kaloon saaxiibkay Cirro xusuusinayaa inuu waqtigan dalka hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah ruug caddaa iyo waayo-arag siyaasadeed oo dagaal dheer iyo halgan qadhaadh u soo galay qarannimada Somaliland, loogana baqayn inuu dibindaabyeeyo…. Waad ogeyd sidii uu kursiga madaxtinimada ku helay iyo duruufihii adkaa ee uu soo maray, markaa waxaan kugula talinayaa saaxiib ha degdegin ee damacaaga u meel day, kana fiirso hadallada aan munaasibka ahayn ee liddiga ku ah qarankaaga.”

“Ugu dambayn, waxaan si nasteex ah uga codsanayaa saaxiibkay Cabdiraxmaan inuu ummadda iyo qaranka Somaliland ee uu hoggaamintiisa u tartamayo ka raalligeliyo dhawaaqa laga wada naxay ee uu farogelin shisheeye ugu dalbay xallinta khilaafka yar ee ka dhashay muddo-kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ee uu madaxda ka yahay, iyadoo aanay weligeed hore u dhicin in cid kale soo farogeliso arrimaheenna gaarka ah, iyadoo arrintaasina noqotay mucjiso Somaliland kaga soo gudubtay dhibaatooyin ka waaweyn xurgufta yare e waqtigan taal,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.

Xigasho: Jamhuuriya