Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Balaadhin Lagu Sameeyay Dhabbaha Madaarka Hargeysa Iyo Mashaariic Kale (SAWIRRO)

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray balaadhin iyo horumar lagu sameeyay madaarka caalamiga ee Cigaal Airport.madaar xadhig ka jaris

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay madaarka magaalada Hargeysa ayaa waxa kala qayb galay madaxweynaha wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada, madax-dhaqameed, culimo-awdiin iyo marti sharaf kale, waxaanu madaxweyne kormeeray mashaariic tiro badan oo laga hirgeliyay madaarka, kuwaasoo ay ka mid yihiin  balaadhin lagu sameeyay Run-wayga, xarun dab-demis iyo hanaanka adeegga diyaaradaha ee habeenkii, kaasoo sahlaya inay habeenkii si fudud diyaaraduhu uga soo degaan Cigaal Airport.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasibadaas maanta ugu mahad-naqay waxqabadka ay dhamaan hawl-wadeennada wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA OO DHAMAYSTIRAN:-

Madaar8 madaar9 Madaar Madaar1 Madaar2 Madaar3 Madaar4 Madaar5 madaar6 madaar7