Buuqqa Doorashada Somaliland: Kordhis Doon, iyo Kordhis Diid. – Maxamed Haaruun.

QALIN-Maxaa Qalinku sheekiyo;

-Hadba Qodob la yaab liyo;

-Qubanaha dharaartiyo;

-Ma hadhooyin qorayaa? (Hadraawi)

 

Maalmahaba buuq baa Somaliland ka aloosnaa. Buuqu ma aha shil iska dhacay ee muddo dheer baa la soo karinaayay. Wakhti iyo xoolo badan baa ku baxay, natiijadii na waxa ay noqotay wakhti laba sanno ku dhaw oo lagu daray muddo-xileedkii xukuumadda haatan joogta. Sababta ay tani u dhacday waxa ay Guurtidu ku sheegtay nabadgalyo xumo. Tan iyo xiligaas, jilayaashii siyaasaddu waxa ay u kala dilaaceen laba saf oo kordhis doon, iyo kordhis diid ah. Haa, labadaas saf baa ay u kala baxeen, dadwaynuhu na in uu sidaas oo kale u kala baxo ayay doonayaan. Dabcan, labada saf midkood waa Madaxweyne Silanyo iyo Xukuumaddiisa, safka kale na waa xisbiyada mucaaridiinta ah. Labadan kooxood dhibaatooyin waawayn oo baaxadooda leh baa haysta, xal na ma u hayaan. Dhibta meesha taalaa shaki la’aan waa ka gun fogtahay sheekadan kordhinta, labada dhinac ee is hayaa na, khasaare wayn baa ay ku fadhiyaan, waxa ayna u muuqataa in aanay tas ogayn, amaba waa ay is moogaysiinayaan, midda dambe ayayna u badantahay.

Bal u fiirso, Madaxweyne Silanyo – Shalay uun baa ay ahayd kolkii uu dawanka mucaaridka tumaayay. Wax kasta oo manta taagan, mawaaqif baa uu ka lahaa, waana la hayaa. Danbiyada waawayn, ee aan sinaba loo cafiyi Karin waxa ka mid ahaa, Kursiga oo la isku sii dhajiyo kolka uu muddo-xileedku dhamaado. Mawqifka noocaas ah ayuu lahaa, waxaana uu xataa sameeyay mudaharaadyo kordhis diid ahaa, oo dad na ay ku qudh-baxeen. Taas waxa dheer, in uu shantii sanno ee la soo dhaafay ku celcelinaayay mawqifkiisii kordhis diidka ahaa, waxa uu na meelo badan kaga dooday in aanu hal maalin xukunka isku dhajin doonin. Hadda wixii oo dhan in la iska ilaawo, oo wakhti tagay, iyo sheeko duugowday laga soo qaado ayuu jeclaan lahaa. Taas waxa ka sii daran, Xukuumadda iyo inta doonta la saarani waxa ay ku doodayaan, weliba si qayaxan, in Riyaale ba uu kordhisan jiray. Udub-dhexaadka dooddoodu waa sidaas. Oo hadii uu Riyaale kordhisan jiray na? Taasi miyay xujo qaanuun iyo mid caqli toona noqon kartaa? Qalad kii shalay, miyuu manta sax noqon karaa?

Al-muhim, dhaqankan xukun korodhsigu waxa uu ka mid yahay uun, dhaqamo badan oo daawayntooda uu Madaxweyne Silanyo ku balan qaadi jiray, wax se aanay ka soconin. Waxa kuwaas ka mid ah, hab-dhaqankii ku saabsanaa la macaamilka saxaafadda iyo suxufiyiinta, oo tii shalay ee Riyaale manta ku ilaw ay ka dhacday. Waxa taas soo raaca, hab-dhaqankii musuqqa iyo maamulka dhaqaalaha oo tabtiisii iyo tu ka daran jooga. Madaxweyne Riyaale iyo kooxdiisii waxa lagu eedayn jiray, dabcan dhab na ahayd, in aanay cashuurta Dekedda Berbera soo marinin nidaam xisaabeed iyo bangi toona, ayna tahay uun macaamilo u dhaxaysa Riyaale iyo Xoorxoor oo ahaa, welina ah, Maareeyaha dekedda Berbera. Dhibaatooyinka noocaas ah, ayaa si daran ula degay kalsoonida iyo filashadii ay dad badani shan sanno ka hor qabeen.

Waxa Xukuumadda Silaanyo intaas u si dheer, in ay hubaal-la’aani ka jirto cidda dhab ahaan u safan doonta Xisbiga Kulmiye doorashada soo socotaa, dabcan waaba hadii ay qabsoonto. Wasiirada Xukuumadda ayaa ay qaarkood si joogto ah ugu jireen olole ku saabsan cidda Silanyo bedelaysa, ololahaasi na ma uu joogsan, waa uu se yar gaabiyay. Si kastaba, Madaxweyne Silanyo laba amuurood ayaa u furnaa, ma se yeelin midnaba. Waxa ay ahayd in uu dhab ahaan go’aan ka gaadho in uu xilka isu taagaayo shan sanno oo kale, sidaas na ku hawl galo oo maalin cad xukunka ku soo laabto hadii la doorto; hadii aanu istaagaynin na, ugu yaraan in uu ka dhabeeyo sheegashadiisii kordhis-diidka, cidii tartamaysa na jidka u baneeyo oo sharaf kaga tago. Labidaas midna haatan ma dhicin, kordhiskii uu abidkii ceebayn jiray ayuu na aakhirkii dul fadhiistay. Guurtidii oo halkan fadhfadhida, oo ah gole bilaa-sumcad ah, ayaa shiray, waxa ay ka shirayaan nah hore baa loo sii go’aamiyay. Doodda ah in ay wadanka ka jirto nabadgalyo darro sax ma aha. Dhab ahaan waa ay ogyihiin in aanu hal qof oo wadanka joogaa run u qaadanaynin taas. Sabab kasta oo kale oo ay sheegaan ba waa ay ka macquulsanaan lahayd tan.

Geesta kale, dhibaatooyinka haysta qolyaha mucaaridiinta ah, waxa lagu soo koobi karaa laba – tamar la’aan, iyo talo la’aan. Tusaale ahaan, arintan kordhinta awood ay ku hor joogsadaan ma hayaan. dabcan muranka ku saabsan muddo-korodhsiga, iyaka ayaa dood ahaan dhinacii saxda ahaa jooga, wax se ay samayn karaan si ay taas u joojiyaan ayaan jirin. Todobaatan Guurti ah oo xil-kordhinta sameeya, iyo todobaatan Caaqil/Suldaan oo shaashadaha TV yada afka furta uun baa ay Xukuumaddu u baahantahay, labadii na waa la hayaa. Cudud qaanuun iyo mid dhaqaale uun baa ay tan ku hor joogsan lahaayeen, laakiin labadaas midkoodna ma hayaan. Qaanuun habaysani ma jiro, inta jirta na cidi ma ku dhaqanto. Midda ku saabsan dhaqaale adeegsi na, qalad ba ha ahaadee, ma ay ka joogsadeen, ma se hayaanba.

Dhibaatada kale ee mucaaridiinta tamar darada u raacday, waa talo ama qorshe la’aan. Haa, qorshe la’aan. Kaliya doorasho ha dhacdo ayay leeyihiin, kursiga na ha naloo baneeyo, laakiin qorshihii taas keeni lahaa, iyo hadiiba ay kursiga tagaan, waxa ay samayn lahaayeen oo qayaxan ma hayaan. Qiyaastii waxa ay doonayaan hadiiba ay meesha qabtaan, in ay sidii Silanyo oo kale yidhaahdaan, gudi ka soo talisa wixii aanu yeeli lahayn baanu saaraynaa. Xashiishka yaala hal xaafad oo caasimadda ka mid ah, qorshihii ay kula tacaali lahaayeen ma hayaan, dhibaatooyin ka waawayn na hadalkooda dhaaf. Musuqqa aan ka hadlayno, maceeshadda qaaliyoobaysa, dhaqaale xumada, caafimaad darada, tacliin xumada, tahriibta, camal la’aanta dhalinta, iyo midda uguba daran, oo ah Somaliland jihada ay dhab ahaan u socoto oo aanay cidina aqoonin, cidina wax iska waydiinin wax talo ah ma ka laha. Soomaaliya wada hadal baa lala galay, Silanyo ayaana dhiirashadeeda lahaa, waxa uu se ka gaabiyay in qorshe habaysan laga yeesho waxa hadalada laga rabo, iyaku na qorshe ma u hayaan. Kaliya in ay jeediyaan canaan ku saabsan dhaliilaha muuqda, ee gudo iyo debedba khuseeya, uun baa ay awoodaan, laakiin xal ma hayaan. Runtu taas weeyaan; wixii kale ba waa huf iyo hal aan raad lahayn. Waxaaba suuroobi karta, in ay muddo-kordhintan qalad ka ah uga faaiidaystaan wakhti ay isku diyaariyaan, ma se u jeedaan.

Isku soo wada duub, meeshan karti-darro gun dheer baa taala, wax na la isma dhaamo. Doodda ah – waa markaygi ee kursiga ii banee – uun baa ay tahay in lagu heshiiyo, oo aanay kursi doonayaashu isku xad-gudbin, ilayn cid wax ma ugu maqnee. Buuqan macno la’aanta ah ee soo noqnoqonayaa waxa uu astaan u yahay dhib wayn oo hooseeya. Caqabadaha tirade badan ee aan qaarkood kor ku xusay xal ma u hayaan, taas ayaana ugu wacan in ay muran iyo hadal ku maaweeliyaan umada soo eegaysa. Ha ku dagmin buuqooda. Waa niman isku jaad ah, dugsi na ka soo wada baxay. Khasaarihii berito ayay midhihiisii manta sii beerayaan, waxa ayna doonayaan in gaabiskooda lagu ilaawo doodda ah, kordhis-doon, iyo kordhis-diid, dhibtu se shaki la’aan intaas waa ka qotto dheertahay.

 

-Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com