Maalmihii badhbaa hadhay: MADAARKA – Maska daba socdiyo Iska Eeg Muhanad!

Diiwaanka taariikhda qofba samo iyo xumaan wuxuu gashadaa waa dhigaal aan tuugna xadikarin, isagana lagula xisaabtamidoono. Ku darsoo, Masuul xil ummadeed majaraha u hayaana wuu kasii xagjiraa oo indho qudhaanyo ayaa loo leeyahay. Waxa kasmo-wadareedkeenana qancin ugu filan beyd-kan halqabsiga ah ee hoos ku xusan oo loo adeegsado qofkasta oo wax la wada leeyahay oo dan guud ku suntan gacanta ku haya iyo sida sooyaalka taariikeed u xusidoonto.

Madaarka Hargeysa“ Ninka xadhig surmeeyow waxa socota taariikh”

Dhanka kale, AHUN milicsiga mahadho sugaaneedkii Abwaan Gaariye, wuxu dhaxal inooga tegay waxa uu inaga mudanyahay ninka bulshadu aaminto ee hadana ku badhi-fura uguna abaalgudda  boob amase ku tagri-fal hantida dadweynaha amase kula kacaba falal Cadaaladdaro, Eex, Qaraabo-kiil iyo wixii la halmaala oo ku sargo’an inuu maleego dibindaabyo isagu ku fushado dantiisa. Hoos u dhugo Beydadkan aynu kasoo qaadanay maansadii Qasab kuma balweynkaro,

“ Ninkii beesha qaayima,

   Qar hadduu kusoo dumo,

   Wallee ciidda kama qodo,

   Wallee qalin-daraalaha

   Dembi qaranka laga galay,

   Kama qariyo wadhatada,

   Shacbi qawdhamoo kacay,

  Qarqarsiga hadduu jaro,

  Wallee qoofal kuma xidho. ‘’

Haddaba, Qormadan 2aad ee “Maalmii badhbaa hadhay”  waxaynu  daaha kaga faydi-doonaa xaqiiqooyinka mugdigu ku jiro ee Wasaarada Duulista iyo Hawada. Macnawiyan, inaga oo ka duulayna daah-furnaanta iyo fahamka dhaliilaha dul hoganaya wasaaradan iyo masuuliyiinteeda oo ay ugu horeeyaan wasiirka iyo agaasimaha guud, waxaynu mid mid u dul istaagidoonaa qodoban hoos ku xusan, waliba waxaynu ku ladhidoonaa waxa guud ahaan la gudboon shacbiga Somaliland gaar ahaana cida ay taabanayaan.

  1. Cadaaladdarada, Eexda iyo Qaraabo-kiilka mansabyadda xilalka iyo fursadaha Tobabarada iyo aqoonkaabista shaqaalaha wasaaradda iyo madaarka caasimadaba.
  2. Karasharka jayga iyo daamurka isku qasa ee xayndaabka madaarka ku dhexjira iyo waxyeelooyinka caafimaaddaro ee uu ku hayo bulshooyinka deegaanka koonfureed ee M.Mooge iyo Masalaha bari.
  3. Huteelka hurdada iyo cuntadda isugu jira ee la qorshaynayo in laga dhiso xayndaabka madaarka iyo cidda lahaanshiisa farta lagu go’dayo.
  4. Siyaasadaynta adeegga madaarka caasimada iyo xushmo la’aanta madaxda haayadaha kale ee qaranka, iyadoo wasiirku u adeegsanayo masuuliyiinta u dhego-nugul inay hor istaagaan taas oo sababtay in madaarka lagu tilmaamo madaar xaafadeed
  5. Lunsiga deeqdii lacageed ee balaadhinta iyo dib u hagaajinta madaarka caasimada madaamoo aanay wali cadayn xadiga lacagta ku baxday walow kharashka ku baxay uu caqliga saliimka ahi arkayo.
  6. Bulshada deegaanka ku xeeran madaarka oo go’doon ugu jira xayndaabka madaarka iyo baahiyaha adeegyaddii waxbarasho, caafimaad, iyo isku socod oo ay quus ka taaganyihiin  I.W.M

Akhriste, inagoo ka feejigan caadifad, nin necbaysi iyo mucaaradad wax duminaysaba, waxaad ila wadaagtaa ood miisaantaa qodobadan iyo tafaasiishooda.

 

Qodabka 1 aad

Madaamo Cadaalladu tahay waxa qudha ee aadamaha deeqa, wadajirka iyo gudashada hawlaha shaqana wanaajiya, waxa wasaaradan iyo masuuliyiinteedu door bideen inay ku suntanaadaan Cadaaladdaro, Eex iyo Qaraabo-kiil badheedh ah oon gabasho lahayn. Bal adba ! waxa si daahir yaa shamisa dhaliilahan looga dheehankaraa Mansabyadda xilalka madaarka oo halkan aynu ku xusidoono. Bal u fiirsada badheedhaha wasiirka ee Qaraabo-kiilka iyo eexda ku dhisan kadib garawshiyo ka bixi, adigiyo garaadkaa.

Mansab-xileedka Masuuliyiinta qaraabo-kiilka wasiirku ugu sedburiyay oo dhalinyar beshiisa ah

  1. 1. Mareeye ku xigeenka 2 aad oo awood dheeri ah la siiyay kana mudh-baxay mareeyaha guud.
  2. 2. Madaxa Kastamka Maaliyada madaarka
  3. 3. Taliyaha laanta socdaalka madaarka
  4. 4. Taliyaha saldhiga booliska madaarka
  5. 5. Agaasimaha Protocolka madaarka
  6. 6. Xisaabiyaha guud ee madaarka
  7.   7. Khasnajiga guud ee madaarka

Bilaahi calaykum, wasiirka ma ka gunimaa mise waa ka garasho gaabni. Dhanka kale, walow wasiirku bulshada Somaliland qaybo ka mid ah amase carabka aan ku dhuftabee beelo qarankan ku suntan ka dabargooyey inay madaarka iyo wasaaradaba ka hawlgalaan, waxa iyaguna maqaarsaar ah midhadhka dhego-nuglaanta iyo inay wasiirka u adeegaan ku hantay xilal magac u yaala.  Waxa kale oo wasiirku eexasho iyo qaraabo-kiil ku saleeyaa deeqda tababarada iyo aqoonkaabista loogu diro shaqaalaha wasaarada iyo madaarkaba, waxaana tusaale dhaw inoogu filan shaqaalihii dhawaan u ambobaxay dalka Ethiopia iyo summada ay muujinayaan.

 

Run ahaantii ma jecli inaan dhaliilaha wasiirkani kasbaday een halkan ku xusay aan ku waayo saaxiibo badan oo ay hayb-wadaagaan balse hubaal isir nacayb igama aha waxanan aaminsanahay inay ila dareemayaan waaqicigan jira, sidoo kalana ay kawada dheregsanyihiin shakhsiyadayda.

Qodobka 2 aad

Karasharka Cumaaniga oo xayndaabka madaarka dhex degen,waxa markii hore si ku meel gaadh ah wasiirku ugu ogolaaday inuu meel madaarka ka ag-dhow dego si hawshii balaadhinta dhabaha madaarka ee uu qandaraaska ku qaatay ugu fududaato. Nasiibdarose maanta  markii madaarka la xadeeyay  karasharkani wuxu dhexgalay xaydaabka madaarka balse wuu xalaashaday walow dadkii madaarka ku xeernaa ee masaafo ahaan kilometer-ka ka fogaa u tanaasuleen qaranka iyo qorshayaasha xukuumada, dadkani waxay muujiyeen wadaninimo balse nasiibdaro waxa qudh-gooyo ah halkii dadkan laga raray in cidkale lagu naas nuujiyo walow hawshii dhabaha madaarku dhamaatay. Dhanka kale, haddaba madaamoo karasharkani yahay mid ku hawlan qaadashada qandaraasyada wadooyinka dhismahoodu socdaan, wuxu si joogto ah isku qasaa jay iyo daamur, shaqadan oo noqotay mid dhibaatooyin caafimaaddaro u horseeday bulshada ku dhaqan Masalaha bari iyo koonfurta degmada M. Moogaba. Sababto ah karasharkani wuxu hawada  kusii daynayo dhas iyo walxo kiimiko ah oo ka dhalanaya gubashada iyo dhalaalinta daamurka. Bulshada deegaanka ayaa cabasho ba’an oo caafimaaddaro ka muujiyay waxyeeladan uu sababay karasharku, waxayna u nisbeeyeen xanuuno xiiqdu ka mid tahay oo ay sheegeen inay lasoo deristay.

Haddaba inagoo ka duulayna ilaalinta iyo dhawrida caafimaad-qabka bulshada, waxaan cambaarayn dusha uga tuuraynaa karasharkan iyo cida ogolaatay in la waxyeeleeyo cafimaadka dadweynaha. Waxa sidoo kale fariin iyo qaylo-dhaan u diraynaa wasiirka wasaarada caafimaadka oo masuuliyadiisa ay tahay in arintan uu wax ka qabto sidoo kale waxa iyagana ku baraarujinaya waxgaradka iyo aqoonyahanka deegaanka inay ka dhiidhiyaan arinta tan iyo saamaynta taban ee caafimaadka dadka danyarta ah ku keenikarto.

F.G. Qodobkan Karasharka isaga oo faahfaahsan, video clipna ku lifaaqanyahay ayaan bulshada la wadaagidoonaa marka taxanahani inoo dhamaado insha alah.

 

Qodobka 3 aad

Qodobkan saddexaad walow aanan xaqiijinkarin oo uu yahay mid tuhun iyo dareenka bulshada ka turjumaya, waxaan kula talinlahaa wasiirka duulista iyo hawada inuu ka taxadiro dhismaha huteelka la sheegayo in laga binayndoono gudaha xayndaabka madaarka. Haddii huteelkani yahay hanti qaran oo lahaanshiisaha madaarku leeyahay waa wax lagu farxo oo mahad loogu celindoono wasiirka balse haddii cid kale ku suntantahay waxay horseedikartaa kacdoon dadweyne, wax suurogelayana maaha. Bulshadana waxaan ku baraarujinayaa inay fiiro gaar ah siiyaan arinka kan.

La soco qaybta 3 aad ….

Hassan Ismail

Tel: 063-4246744

Kooshin8@gmail.com