Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Shaacisay In Lagu Guulaystay In Madaarka Cigaal Ay habeenkii Diyaaraduhu Adeegsadaan

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Somaliland ayaa si rasnmi ah u shaacisay inay ku guulaysatay in Madaarka Cigaal ay ku xidho laydhkii suurto galinayey inay diyaaradahu adeegsadaan wakhtiga habeenkii.Madaarka1

Madaarka oo aan hore u lahayn laydhka sahlaya in diyaaraduhu habeenkii soo fadhiistaan ayaa hadda loo sameeyay, waxaana habeenkii xalay ka kacday diyaarad, si loo tijaabiyo loona hubiyo sida loogu kalsoonaan karo laydhka habeenkii diyaaraduhu ku soo fadhiisan karaan ee lagu rakibay hareeraha Run-way-ga Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Agaasimaha Waaxda Duulista Eng. Saciid Mahadi ileeye (Saqiire) oo ka mid ahaa Masuuliyiin Diyaaradaasi saarnaa ayaa warbaahinta la hadlay waxaanu yidhi “ Caawa waxaanu tijaabinaynay Ladhkii cusubaa ee aanu ku xidhnay Dhabada diyaaradaha (Runway Lighting) ee diyaaraduhu ku soo degayeen habeenkkii Kuna duulayeen, Diyaaradii ugu horaysay ee aanu ku tijaabinaa A.N30 ayey ahayad, kicidii si fiican ayey u kacaday soo degistiina si fiican ayey u soo degtay oo magaalada ilaa dodoba mayl ayaanu ku soo wareegnay oo magaalada dusheeda ah, markaa shan mayl markaanu u soo jirno ayaanu laydhka si fiican u aragnay markii hore si yar oo diciif ah ayaanu u aragnay oo waanu kordhin doonaa u jeedadayadu Madaarkawaxa ay ahayad in aanu ogaano halka ay wax ka arkikaraan diyaaradahu tiina waanu helaynay, hawshaasna waanu ku guulaysanay.” Ayuu yidhi Mr, Saqiire.

Afhayeenka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Somaliland, Saddam Maxamed Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiinta la socday diyaaradda duulimaadka tijaabada ah uga kacday Madaarka ayaa isna sheegay “ Laydhkan waxaanu ku xidhnay guud ahaan runwayga Madaarka Cigaal oo dhan 3.7KM, laykani waa mid tayadiisa ay ansixisay Hay’ada Duulimaadada ee ICAO, waa mid Solar ah oo cadceeda laga dhilinayo, tijaabadii aanu caawa samaynayna waa mid lagu guulaysatay, Wasaaraduna dhawaan ayey shaacin doontaa bilowga duulimaadada habeenkii INSHA ALLAH.” Ayuu yidhi Afhayeen Saddam.Madaarka2

Somalilandpost.net