Saraakiil Ka Tirsan Ururka FIFA Oo Xabsiga Loo Taxaabay

FIFAGeneva, (SLpost)- Booliska dalka Switzerland ayaa xabsiga u taxaabay xubno sare oo ka tirsan madaxda hay’adda ciyaaraha ee FIFA, kuwaas oo loo duulin doono waddanka Maraykanka oo lagu qaadi doono dacwadda loo hayto.

Sida ay qortay jariidadda New York Times, saaka ayaa la duuliyey xubnahan la qabtay, waxaase ay dhacdadani keentay yaab iyadoo ku soo beegantay wakhti uu qorshaysan yahay shir weynihii 65aad ee FIFA.

New York Times ayaa waxa kale oo ay warkeeda ku shaacisay in xubnaha ay qabteen ciidamada booliska ee Switzerland aanu ku jirin madaxweynaha FIFA Sepp Blatter oo lagu eedeeyo in uu hoy u yahay musuq-maasuq baahsan oo ka jira gudaha ururka ciyaaraha adduunka maamula.

Xubnahan ay boolisku qabteen oo tiradooda lagu sheegay toban qof ayaa waxa la xidhay markii uu booliska Switzerland helay codsi uga yimid Maraykanka oo lagaga dalbanayo in la qabto xubnahaas oo lagu tuhunsan yahay in ay madax ka yihiin wax-is-daba marin ka jirta FIFA. Xadhiggan ayaa waxa ugu weyn ee salka uu ku hayaa koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Russia iyo 2022 oo lagu qaban doono Qatar, kuwaas oo la aaminsan yahay in musuq-maasuq darteed lagu siiyey.

Wararka laga helay wadanka Switzerland ayaa sheegaya in masuuliyiinta la xidhay ay ka mid yihiin laba madaxweyne ku-xigeen, xog-hayeyaal iyo rag kale oo xilal sare hayey.

Ninka ugu magaca weyn leh ragga la xidhay waxa lagu magacaabaa Jeffrey Webb, ahna madaxweyne ku-xigeenka FIFA iyo sidoo kale madaxa xidhiidhka qaaradda North America iyo Caribbean ee CONCACAF.

Xadhiggan ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka hor doorashada madaxtinimada FIFA oo ay Jimcaha ku loollami doonaan Sepp Blatter iyo Prince Ali Bin Al Hussein.

Somalilandpost.net