Drs. Edna Aaden Oo Farriin U Dirtay Qurbejoogga Somaliland

“Lama rabo qurbejoog xaragooda, waa inuu yimaadaa dalka oo uu gacanta dhoobada galiyaa”Edna Aden

Stockholm, (SLpost)- Marwo Edna Aaden Ismaaciil ayaa fariin u dirtay qurbejooga Somaliland ee ku dhaqan waddamada dibadda.

Drs. Edna Aaden Ismaaciil oo dalka Sweden kaga qaybgashay munaasibad lagaga hadlayay qaddiyadda Somaliland iyo gooni isu-taageeda ayaa sheegtay in looga baahan yahay qofkii qurbejoog ah ee doonaya inuu waxqabto inuu dalka yimaado oo u badheedho hawsha taalla.

Edna Aaden oo ka hadlaysa arrimahaasna waxay tidhi.  “Qurbejoog baan ahaa wixii aan hayay aqoon iyo awood ayaan waddankii la  tagey waxbaan ku qabtay, lama rabo qurbejoog xaragooda, waa inuu yimaadaa dalka qurbejooga doonaya inuu wax qabto oo uu gacanta dhoobada galiyaa oo uu wax qabtaa.”

Somalilandpost.net