Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Washington DC Oo Casuumad U Samaysay Af-hayeen Dhuxul‏

Washington, (SLpost)- Wakiilka Somaliland ee dalka Mareykan Rashiid Gaaruf iyo Jaaliyadda ee Washington DC ayaa qado Sharaf u sameeyay Af-hayeenka Madaxwaynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.Dhuxul1

Waxa ugu horeyn ka hadlay odoyaasha jaalliyada oo ku soo dhaweeyey magaalada Washington Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Saleebaan dhuxul.

Soo dhaweynta ka dibna waxa hadalka la wareegay wakiilka Somalilande Rashiid Gaaruf oo jaalliyada uga mahadnaqay isku duubnida iyo wada jirka ay marwalba la barbartaagan yihiin madaxda dalka sidoo kalena ku soo dhaweyey hadalka afhayeenka madaxweynaha md. Dhuxul oo isna hadal ka jeediyey madashaasi ayaa ugu horayn u mahadnaqay jaaliyada reer Washington DC iyo sidii loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka.

Waxaanu warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo halka uu marayo hada iyo doorka ay ku leeyihiin ka jaaliyad ahaan iyada oo beryahan dalku indhaha ku hayo dhaq-dhaqaaqa jaaliyadaha maraykan iyo Canada oo la soo baxay dedaal iyo karti dheeriya, oo shacbiga Somaliland la dhacsan yihiin, sida ay hawlaha u wadaan.Dhuxul

Waxaanu kula dardaarmay afhayeenku jaaliyada inay ogsoonaadaan in dalku soo eegayo waxbadkooda iyo doorka dib u dhiska wadooyinka, caafimaadka iyo waxbarashadaba, oo buu yidhi aad runtii ku amaanantihiin ka jaaliyad ahaan.

Safarka afhayeenku ku maraayo Dalka maraykanka ayaa la xidhiidha martiqaad rasmiya oo uu ka helay dalalka Canada oo uu kala qaybgalay xuskii 18-may jaaliyaha ku kala dhaqan Canada, isaga oo uga soo gudbay Dalka maraykanka oo uu hada ku sugan yahay casuumado iyo martiqaadyo dhawrana ka helay jaaliyadaha ku dhaqan 4 magaalo oo ay ugu horayso Washington, afhayeenka oo ku sugnaan doona dalka maraykanka maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu kulamo muhiima la yeesho, odayaasha, aqoon yahanka, waxgaradka iyo muwaadiniinta ku dhaqan magaalooyinka lagu casuumay.

Somalilandpost.net