Siyaasadda Arimaha Dibada Somaliland Oo Noqotay mid fur furan Isla markaana Kasbatay Wadamo kala duwan Oo caalamka ku yaala

Siyaasada arimaha dibada Ee Somaliland ayaa Noqotay shanti sano Ee ugu Danbaysay Mid aad iyo aad Looga sameeyey horumar balaadhan Taasoo keentay in Somaliland ay Cilaaqaadka Siyaasadeed Ee ay la leedahay wadamada Caalamka guud ahaan inuu noqdo mid wanaagsan Oo Dawladaha awoodaha sheegtaa ay Somaliland yaqiinsadeen in uu yahay Dal amaan ah calan iyo Dawladino iyo Nidaam iyo Dimuquraadiyad ka hana qaaday guud ahaanba dalka.

Wadamada jaarka la ah Somaliland Ee Geeska Africa iyo Africa inteeda kale, Kuwaa Qaaradaha Asia iyo Europe, iyo Sidoo kale America intoodaba Somaliland waxaa ay la leedahay Cilaaqaad wanaagsan iyo saaxibtinimo hanaqaaday mudooyinkii ugu danbeeyay Siyaasada Arimaha debedaEe Somaliland gaar ahaan Dawlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku salaysan in Si balaadhan Oo xeeldheer Loo soo jiito indhaha caalamka iyo Dawladaha waawayn Taasoo loo soo bandhigayo inay ka garaabaan Dawladnimada iyo Qaraniimada tisqaaday Ee Somaliland iyo Go’aanka shacabka ee Gooni iskutaaga iyo Midnimada Somaliland.

Iyadoo marwalba Siyaasada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ee Arimaha debeda Somaliland ku Salaysantahay In aqoonsi buuxa laga helo duwalka Caalamka ayaawaxaa la hirgaliyay Xafiisyo iyo Safaarado badan Oo Somaliland ay kasamaysatay Wadamo badan Oo ku yaala caalamka taasoo sharaf iyo karaamayn gaar ah u leh shacabka Reer Somaliland.

Wasaarada Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamka Somaliland waa mid marwalba Ku Hawshoon in ay dardar galiso kobcinta iyo Kor uqaadida Siyaasada arimaha dibada iyo cilaaqaadka ay la leedahay wadamada kale ee aduun waynaha Marar badan waxaa Gudaha Somaliland soo gaadha Ambassadoro’ aad u badan Oo dhamaan ka kala yimaada wadama Caalamka kuwaasoo isugu jira qaar kasoo jeeda Dunida muslimka ah iyo kuwa aan ahayn intaba dhamaantoodna waxaa ay danaynayaan in ay adkaato is kaashiga iyo xidhiidhka ay la wadaagayaan Somaliland iyagoo arintaana ku faraxsan.

Somaliland waa wadan ku yaala meel aad u muhiim ah gaar ahan Bariga qaarada Africa Oo dhinaca kasaaran badda cas jaarna la ah wadamo ay aad u saaxiib yihhin Sida Jabouti iyo Itoobiya iyo Sidoo kale wadanka Somaliya mandaqada ay Somaliland ku taalaana waa mid marwalba Xasaasi ah Oo u baahan feejignaan iyo digtooni gaar ah madaama uu Gobolka Geeska afrikada bari yahay mid mar walba Buuqiisa iyo amaandaridiisu ay taagaan tahay Somaliland’na waa la ogyahay nabada iyo amniga iyo Daganaanshaha uu ilaahay ku Galada.

Taasi waxa ay keenaysaa in Somaliland ay noqoto meel lagu soo hirto Guud ahaana wadamada Caalamka ee daneeya Arimaha siyaasada Bariga qaarada Africa ay ku soo Hirdamaan saaxiibtinimada iyo Xidhiidh la samaynta Somaliland Si looga hor tago ariamah amni darada iyo rabshada ah Ee ku dhax wareegaya Gobolka gaar ahaana wadanka Somaliya Oo noqday mid u wiiqmay nabad galyo darro,

Si kastaba ha ahaatee Dawlada Somalilnad Ee Madaxweynaha haatan kayahay Axmed Siilaanyo waxa maaliba maalin hore ugu sii dhaqaaqaysaa dhanka Horumarinta Guud ahaanba dalka gaar ahaana siyaasada arimaha dibada Somaliland taasoo imaka meel wanaagsan maraysa isla markaana Somaliland ay kasbatay Asaxaab badan iyo wadamo kala Gedisan Oo ku yaala daafaha dunidaTaasina waa wax lagu farxo Oo amaan sharaf iyo karaamaba u ah Dawladnimada curdinka ah ee Somaliland barina waxa iman kara horumar hiigsi mustaqbalka ah Oo lagu gaadho guul.

Qalinkii: Umalkhayr Mohamed
Beeldaajisa@gmail.com