Bogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 3aad

hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 25/5/2015ka

Qormada: 3aad

Ibraahin Meygaag Samatar, hooyadii waxay ahayd Cibaado Cigaal. Xaaskiisu waa Marwo Aamina Cabdiraxmaan Cadhoole. Aabbaheed, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, wuxu ka mid ahaa dadkii uu shahiiday gobannimo-doonkii Jabuuti ee gumeysigii Faransiisku silic-dilay. Carruurta Ibraahin Meygaag Samatar waa saddex kala ah: Shukri, Raage iyo Luul.

 

Dhawaan ayaa Jaamicadda Yale ee caanka ah ee dalka Mareykanka ku taal soo saartay sidii ay u kala mudnaayeen ardaydii Jaamicaddaa gashay 50kii sannadood ee ugu dambeeyay. Iyada oo liiskaa loo soo kala horreysiiyay siday u kala mudnaayeen ama tacliinta ugu kala fiicnaayeen, Ibraahin Meygaag Samatar, wuxu ku soo baxay kaalinta 5aad. Ibraahin Meygaag Samatar, kaas ayuu aqoon, garasho iyo dedaalba ka ahaa. Ninka caynkaas ahaa ayaa dal-jacayl awgii nala joogay keymaha hawdka oo door laxaad leh ka qaatay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Ninka heerarkaa heehaabayay ee gaadhay ee adduunyada meel walba ka shaqaysanayay, ayay qaar aan kabihiisa gaadhini halkan kula murmayeen oo ay isku dhererinayeen. Nxariistii Jaano Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Dabcan Ibraahin Meygaag Samatar hadba Mareykan ayuu ku yar noqon jiray. Waxaan aad u jeclahay markaa uu noo yimid 1985kii in uu watay wiilkiisa Raage oo isaga qudhiisu muddo ku qaatay jiidaha hore ee dagaalkii dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahyd. Hadda, wuxu ahaa wiilka keliya ee uu dhalay oo halistii loo wada joogay isaguna dadka ula sinnaa.

Ibraahin Meygaag Samatar waxa uu haddana nagu soo noqday 1986kii. Markan waxa aanu ku sugnayn Awaare oo ahayd xarunta tababarka ciidammada ee SNM oo beryihii Damal Cabdilqaadir Koosaar SNM Guddoomiyaha u ahaana ahaan jirtay Xarunta ururka SNM. Bishu waa Juun 1986kii. Waa beryihii uu shilka baabuur ku dhaawacmay Siyaad Barre ee loo qaaday dalka Sucuudiga. Awaare ayaanu ku sugnayn. Marka la raaco Dastuurka SNM waxa nagu soo fool lahaa Shirweynihii 5aad ee SNM oo ay ahayd in uu qabsoomo Sebtember 1986kii, maa daama Shirweynihii 4aad Jigjiga ku qabsoomay 6dii Ogos, 1984kii. Waxa la qabtay shir wada-tashi ahaa oo ay xubnihii SNM ee Awaare joogay intooda badani ka qayb-galeen, dadkaas oo uu ka mid ahaa Ibraahin Meygaag Samatar oo maalmahaa Mareykan ka yimid. Wada-tashigii waxa la isla gartay in Shirweynahaa 5aad dib loo riixo muddo lix bilood ah, taas oo u baahnayd soo-jeedin Guddida Fulinta ah iyo ansixin Golaha Dhexe ah. Si kale haddii aan u idhaahdo go’aan Gole Dhexe ayaa lagu anisixinayay dastuur ahaan. Ayaan-darro, lama fadhiisin Golihii Dhexe bal se xubnaha intoodii badnayd warqad ayaa laga soo saxeexay la leeyahay Shirweynihii 5aad ayaa dib loogu dhigay. Bal se dastuur ahaan Golaha Dhexe ee SNM iyo kuwa adduunkuba kal-fadhi bireysan oo sharciya oo la fadhiisiyay ayay ku go’aan-qaataan. Sida aan anigu aamminsanahay muddo-kordhintii ugu horreysay ee ina soo marta ayay ahayd oo welibana si aan sharci ahayn ku dhacday. Intaasina waa taariikh ee iga gunta. Maantana waa loo joogi waxay ku dhammaato.

Maalmahaa aanu Awaare joognay ayaa Ibraahin Meygaag Samatar loo magacaabay Xubin Guddida Fulinta ah oo aan xil lahayn (without portofolio). Mar dambe ayaanu Ibraahin Meygaag Samatar isugu imanaynaa Diri-dhabe bilowgii bishii Noofambar 1986kii. Markaa waxaanu ka soo noqonnay kormeer aanu ku maraynay Jiidda woqooyi iyo ta Dhexe (Mustaxiil) aniga oo ka mid ahaa wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii SNM oo ahaa Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Diri-dhabe ayaa laga qabanqaabiyay wefdi SNM ah oo booqasho ku taga Jiiddii Koonfureed ee SNM, wefdigaas oo madax looga dhigay ama uu hoggaaminayay Ibraahin Meygaag Samatar. Waxaan ka sii xusuustaa wefdigaa dadkii ku jiray: Ibraahin Meygaag, Qayir, Shakiib Cabdilqaadir, Cabdilxakiim (Qaaddi Sumuni). Waxaanu wadannay hal Toyota ah oo ’fife leh’ ahaa oo uu waday Mujaahid la odhan jiray Fu’aad. Annaga oo sii marnay Awasa xarunta Gobolka Sidamo ee Itoobiya, waxa aanu ku danbeynay Ginnir oo ka mid ah gobolka Bale. Dayuurad iyo baabuurba waanu ku safarnay annaga oo ku horreynay saldhiggii Baarrey ee qaybtaa laga xukumi jiray. Kormeer ayaanu ku soo gala-bixinnay saldhigyadii kale ee SNM ee kala ahaa: Gambadh, Garba-gurraaje iyo Bengool oo kaaha magaalada Luuq-ganaane habeennadii ka muuqday.

Waxa xusuus gaar ah safarkaa nagu lahayd soo-noqodkii oo aanu is-taagnay meel la yidhaahdo Seere oo malahayga haddii aanan qaldanayn u dhexeysay Nageyle iyo Awasa. Waa derged keliya. Qof dumar ah oo weyn iyo gabadh yar oo gashaantiya ayaa nagu soo baxay. Waa aanu is-taagnay si aanu biyo uga cabno. Intii ayaa la is-wareystay. Waa gobolka Sidaamo. Waa la is-toyday. Islaantu SNM ma ay garanayne waxa aanu u sheegnay in aanu Isaaq nahay. Iyaduna waxay noo sheegtay in ay Ogaadeen tahay, gabadheeduna Isaaq tahay. Waxay intaa noogu dartay in ay nin Isaaq ah oo halkan marayay laba hablood u dhashay oo inantii kale sarkaal Itoobiyaan ahi guursaday mar ay tartan oroddada ah ka gashay magaalada Awaasa.

Waxa kale oo ay intaa noogu dartay in ninkeedii sidii uu Kiiniya u tegay aanu soo noqon. Mujaahidkii Fu’aad ee baabuurka noo waday ayaa markiiba la soo booday: “Dee inantanna aniga ayaa kaa guursanaya e’ I sii.” Islaantiina: “Guddoon tidhi.” Inantii inta ay carartay ayay alaabteedii markiiba soo qaadatay. Mujaahid Fu’aad ayaa inta uu ila faqay igu yidhi aroosadda dusha ma saari karayo e’, bal odayaasha mid dusha ku qanciya. Shidhka Toyotaha waxa saarnaa Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qayir. Odeygii Qayir ayaanu is-na dhegta wax u saarnay si uu aroosadda nala kulantay ugu maamuuso shidhka oo ay raacdo. Sidii ayay isku guursadeen Fu’aad iyo gabadhii oo ay carruur ku dhaleen markii dambena ay Hargeysa u wada yimaaddeen. Beryo dambe oo aan Fu’aad arkay ayaan u malaynayaa in uu ii sheegay in ay kala tageen oo dhulkii hooyadeed joogtay ku noqotay. La-ye maansooyinkii Ina Cabdille Xasan ayaa waxa ku jiri jirtay: “Seere gaaliyo iyo islaan, kala geddoonkooda.” Intaasina maaweelo ha idiin ahaato..

Ibraahin iyo wefdigii uu hoggaaminayay dhammaadkii 1986kii ayaanu ku soo noqonnay xaruntii maamulka SNM ee Diri-dhabe oo ‘Raamaale’ loo yaqannay. Ka dibna waxa bilaabantay qabanqaabadii Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay magaalada Harar bilowgii 1987kii.

Ibraahin Meygaag Samatar waxa kale oo aan xusuustaa in aanu badhtamihii 1989kii ka wada ambo-baxnay xaruntii SNM ee Balli-gubadle oo aanu u dhaqaaqnay xaggaa iyo Guutadii 99aad ee xeebta galbeed deggenayd. Waxaanu ahayn wefdi aad u ballaadhan oo uu hoggaaminayay Ibraahin Meygaag Samatar.

 

HALKAN KA AKHRISO QAYBIHII HORE

QAYBTII 2AAD

QAYBTII 1AAD