Madaxweynaha oo Masuulkii Saddexaad u Magacaabay Booska Wakiilka Somaliland Ee Dalka Itoobiya oo muddo Siddeed Bilood ah laga sugayey

GalaalHargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa masuul cusub u magacaabay Booska Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Itoobiya oo siddeeddii bilood ee u dambeeyey bannaanaa kaddib markii uu xilka ka qaaday Safiirkii Hore Aadan Nuux Dhuulle Badhtamaha sannadkii 2014-kii.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada, Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya u magacaabay inuu noqdo Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, kaddib markii sida war-saxaafadeedka lagu sheegay uu madaxweynuhu ku qancay kartidiisa iyo aqoonta uu u leeyahay shaqalada loo igmaday.

War-saxaafadeedka oo dhammaystiran, ayaa u qornaa sidan: “MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Masuulkan cusub ayaa noqonayaa wakiilkii saddexaad ee madaxweyne Siilaanyo u magacaabo Xafiiska dibloomasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya tan wakhtigii uu qabtay talada dalka sannadkii 2010-kii.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii uu u horeysay ee uu soo dhisay Xukuumaddiisa wakhtigaas, waxa uu wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya u magacaabay Aqoonyahanka da’da yar ee Maxamed Xasan Siciid oo immika ah Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaas oo muddo Kooban hayey xilkaas, waxaana xilkaas kala wareegay Wariyaha Caanka ah ee Aadan Nuux Dhuulo oo Md Siilaanyo Xilkaas u magaacabay.

Booska Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya, ayaa bannaanaa Siddeeddii bilood ee u dambeeyey, kaddib markii uu madaxweynuhu badhtamaha sannadkii 2014kii  xilka ka qaaday Aadan Nuux Dhuulle, waxaana xilkaas si ku-meel gaadh ah u sii hayay ku-xigeenkiisa Mr Ayaanle oo isagu xilka ku wareejin doona Masuulka Cusub ee Md Axmed Siilaanyo caawa u magaacay Wakiilka Somaliland ee Itoobiya.