Israel Oo Dad Reer Falstiini Ah U Xukuntay Qoraal Ay Facebook Dhigeen

Jerusalem, (SLpost)-  Iyab Shalabi ayaa loo ogolaaday inuu booqdo aabihii oo ilaa bishii December ee sannadkii hore u xidhan ciidamada dalka Israel.Facebook

Omar oo reer Falastiin ah , isla markaana degan Jerusalem ayay ciidadama dalka Israel u xidheen isaga iyo sideed qof oo kale qoraallo ay soo dhigeen barta bulshadu kuwada xidhiidho ee Facebook.

“Billo ka hor ayaa la ii ogolaaday inaan soo booqdo aabahay.” ayuu yidhi Iyab oo 22 sanno jir ah, isla markaana waxa uu sheegay ciidamada Israel u diideen inay xataa aabihii ay xaaskiisu booqato.

Bilawgii bishan ayaa, Omar, 44 sanno jir ah waxay maxkamadi ku xukuntay sagaal bilood, waxaana lagu eedeeyay inay taageero u muujiyeen argagixisada Israel la dagaalanto.

“Waa wax iska cad in aabahay ay doonayeen inay xidhaan Israel, waayo hawsha ugu badan ee uu qabtaa waa u dooddida xuquuqda aadamaha, taasoo ay bulshadu ku qadariso.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Iyab.