Itoobiya Oo Maanta Looga Dareeray Doorashooyin

Addis Ababa, (SLpost)- Dadweynaha Itoobiya ayaa maanta oo axad ah u dareeraya doorashooyinka guud ee dalkaas, taasoo ay ka qayb galayaan in ka badan 50 xisbi.ethiopia election

Kuraasta baarlamaanka ee doorashada loogu tartamayo ayaa gaadhaya 547 kursi. Xukuumadda dalkaas ayaa sheegtay in dad ka badan 36 milyan ay codeyn doonaan.

Mucaaradka oo hadda hal kursi oo keliya ka haysta baarlamaanka dalkaas ayaa sheegay in natiijadu iska caddahay oo xisbiga talada dalka haya ee EPRDF uu si weyn u guuleysan doono. Mucaaradka ayaa intaas ku daray in dawladdu ay cabudhiso oo ay ka horjoogsato waxyaabihii u sahli lahaa inay baarlamaanka kuraas ka helaan.

Dhinaca kale, xisbiyo ka dhisan Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa iyaguna qayb ka ah doorashadan.

Somalilandpost.net