Hargeysa: Golaha Deegaanka oo dhagax-dhigay Machad Saxaafadda lagu baranayo oo lagu maamuusay Halyeygii Xorriyatul-qowlka Somaliland

HARGEYSA (SLpost)- Xildhibaannada golaha deegaanka Caasimadda oo uu hor kacayo Maayarka Caasimadda, ayaa maanta dhagax-dhigay dugsi cilmiga saxaafadda lagu baran doono, dugsigaas oo loogu magac-daray laguna maamuusay Alle ha u naxariistee Xoghayihii hore ee Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo horaantii sannadkan u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaadhay shil-baabuur.

Munaaasibad dhagax-dhigga dugsiga loogu qabtay goobta laga hirgelinayo oo ku taala Xaafadda New Hargeysa isla markaana ay hadallo jeediyeen inta badan xildhibaanada golaha Deegaanka Hargeysa, waxa baaqyo looga jeediyey hay’adaha saxaafadda la shaqeeya, hay’adaha warbaahineed dalka iyo Xukuumadda oo loo soo jeediyey inay inay dhismaha xarunta ka qayb-qaataan.

golaha (2)Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadlay maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), waxaan“Maanta oo ay bishu tahay 23, waxaan dhagax dhigaynaa dugsi saxaafadda wax lagu baro oo aanu ugu magac darnay Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, waxaana doonayaa inay dhamaan ka qaybqaataan saxaafadda iyo hay’adaha la shaqeeya iyo waliba wasaaradda warfaafinta waa in dugsigaasi la garab gallaa oo sidii loo dhisii lahaa cid walba u dadaasho”.

Maayarku waxa uu sheegay in goobta dugsiga laga siiyey tahay goob waxbarashadda ku haboon, isla markaana ku taalla badhtamaha magaladda oo cid walba ka soo gaadhi karto, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “goobtani waa badhtamihii Hargeysa, waxaana dhinacyadda ka kala xiga Maroodi jeex hoteel iyo Hoteel Kaah, meeshuna waa dantii guud ee laga jaray beerta Ilmo Qawdhan, waana meel ay cid walba soo gaadhi karto oo cid walba iman karto, waxa kale oo aan dhagax dhigi doonna garoonkii kubadda cagta ee dhalinyartu ku ciyaari doonto”,

Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamuud Xaashi (Cago weyne) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Goobtan wanaagsan ee istaraatiyadda ah ee aan saxaafadda ugu tallogalnay waa goob ku taala magaalada badhtankeedii oo cid walba so gaadhi karto, waa meel inamada bilaa baabuurta ahi iman karaan.”

Xildhiban Maxamed Caalim Tima cadde, ayaa yidhi, “Dhulkan waxaan u hibaynay saxaafadda waxaana ugu magacdarnay Marxuum Maxamed Rashiid sababta ugu bixiyey waxa weeyi waa ninkii ugu horeeyey ee anigoo guddoomiyaha dhulka ah codsi iila yimid ee yidhi na sii goob aanu ka dhisno dugsi ay saxaafadda wax ku barato, sidaa daraadeed mar haddii ninkii dhintay oo aanu inala dhagax dhigeen oo uu inaga hooseeyo waxaan caqligayga ka keenay in aan anigu u bixiyo Maxamed Rashiid.”

Xildhibaan Axmed Daahir oo ka mid ah golaha deegaanka ee Caasimadda ayaa isna yidhi, “in badan baanu maqalnay jaamacada la dhagax dhigayo, ama garoomo la dhagax dhigayo,laakiin dugsi saxaafaddu leedahay o la dhagx dhigayo waa kii kowaad, waxana la dhagax dhigay meel ku haboon oo dhinac walba magaaladu ka xigto.”

Xildhibaan Cabdi Haybe oo isna ka mid aha mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Caasimadda, waxa uu yidhi,“Halkan waxaanu maanta ku dhagax dhignay iskuul saxaafadu wax ku baran doonto, waxaana goobtan laga dhisayaa laba garoon iyo dugsigaasi saxaafaddu leedahay”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaano kale, kuwaas oo soo dhoweeyey dugsigan waxbarashadda ee cilmiga saxaafadda lagu baran doono, kaas oo noqon doonna kii ugu horeeyey ee laga aasaaso magaaladda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET