Waxaad Adiguba Diiday, Ha u Loogin Qayrkaa: Ma Siyaasad Xumo Xisbi-baa, Mise Waa La Kala Reer Wanaagsan Yahay?

maqaalWaxay ahayd horraantii sannadkii hore markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ay Golahooda u soo gudbiyeen Mooshin la doonayay in wax lagaga bedelo Xeer hoosaadka golaha Wakiilada Somaliland, gaar qodobka sheegaya in tirada codadka lagu riddi ama xilka lagaga qaadi karo guddoomiyaha Golaha Wakiilada ama Shirguddoonka Golaha Wakiilada, taas oo buuq iyo sawaxan farabadani ka dhashay.

Qodobkan Xeer-hoosaadka golaha Wakiilada Somaliland ku jira ee Mooshinka Xildhibaanadu ku soo dhigeen ayaa dhigaya in xilka lagaga ridi karo shirgudoonka ama guddoomiyaha golaha Wakiilada keliya marka ay u coddeeyaan saddex daloolow laba dalool (2/3) Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxaanay Xildhibaanadu Mooshinka ku soo jeediyeen in laga dhigo qodobkaas in lagu riddi karo hal dheeri (simple majority) ama kala badh codadka tirade guud ee Mudaneyaasha golaha iyo hal (absolute majority), iyadoo ay aqlabiyada xildhibaanada golaha wakiiladu mooshinkaas taageerayeen, hase yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu miciinsaday inuu qaylo afka tolo, isla markaana qabyaaladeeyo Mooshinkii isagoo soo kiciyey dhammaan beesha uu ka soo jeedo, isagoo ku andacoonaya in kursiga reernimo lagaga qaadayo, taas oo keentay in Golaha Guurtidu inay soo dhexgasho, kadibna ay Mudaneyaashii Mooshinka keenay oo u badnaa aqlabiyada xisbiga talada haya ee KULMIYE ay tudhaale sameeyeen ogolaadeena in la hakiyo mooshinkaas.

Wakhtigan xaadirkan waxaa Golaha Wakiilada Somaliland dhowaan loo soo gudbiyey Mooshin la doonayo in wax lagaga bedelo qodob la mid ah qodobkaas uu Cirro reerkiisa ku soo kiciyay iyo weliba qodobo kale oo dalka u horseedi doona muran iyo khilaafaad badan oo wiiqi doona danta guud ee ummadda.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen Xildhibaano u badan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee uu guddoomiyaha ka yahay isla guddoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxay ku dalbanayaan in wax lagaga bedelo xeerka Goleyaasha Deegaanka degmooyinka dalka, kaas oo ah Goleyaasha keliya ee wakhti xaadirkan ku jooga wakhtigii sharciga ee la soo doortay, iyadoo mooshinkan ay xildhibaanada wataa ku soo bandhigeen in qodobka dhigaya in Maayarada goleyaasha deegaanada lagu riddi karo kala badh xubnaha golaha deegaanka iyo hal dheeri, halka qoddobkani hadda ka yahay in lagu riddi karo maayarada saddex daloolow laba dalool (2/3), taas oo la mid ah tii uu Cabdiraxmaan Cirro ka dagaalamay isaga laftiisu, isla markaana dalka ku gelin gaadhay xaalad qabyaaladeed oo horseedi gaadhay xiisad aan la saadaalin karin.  Waxaa taas sii dheer in xildhibaanada mooshinkan soo gudbiyay ay dalbadeen in sidoo kale wax laga bedelo faqrad isla qodobkaas ah oo sheegaysa in fadhiyada codka loogu qaadayo Maayarada uu guddoomiyo Badhasaabka gobolka degmadaasi ka mid tahay ama wasiirka Daakhiliga, iyagoo dalbaday in guddoominta Badhasaabka iyo Wasiirka Daakhiligaba laga saaro, isla markaana ay fadhiisan karaan, dooran karaana kala badh iyo hal dheeri, iyadoo aanu goob-joog ka ahayn Maayarka la ridayo, Badhasaabka iyo wasiiir Daakhiliye toona, taas oo iyaduna halisteeda leh, keeni doontana in buuq iyo ishaysad ka dhex abuurmo goleyaasha deegaanka oo ay kolba kooxi intay meel fadhiisato odhan doonta waanu ridnay Maayarkii, mid kalena waanu dooranay.

Haddaba isweydiintu waxay tahay Guddoomiyaha iyo xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga Waddani ayaa ka siyaasisan xildhibaanada kale ee ka soo jeeda xisbiga talada haya ee KULMIYE oo leh aqlabiyada xildhibaanada goleyaasha deegaanka ee dalka? Ma Qabiilka Cabdiraxmaan Cirro ka soo jeedo ayaa ka wanaagsan qabiilada kale ee ay ka soo jeedaan Maayarada iyo Ku-xigeenada degmooyinka dalka oo waxay waayeen reero difaaca? Mise Xisbiga KULMIYE ayaa dhinac kale u shaqaynaya oo waddada u xaadhaya sidii uu Xisbiga Waddani talada dalka ugu guulaysan lahaa marka ay timaado doorashada Madaxtooyadu? Mise Guddoomiyaha KULMIYE ayaan isaga aanay u muuqan khatarta loo maleegayo mustaqbalka uu ka maagan yahay xisbiga uu hadda guddoonkiisa hayo oo la rajaynayo inuu Musharax Madaxweyne ka noqon doono marka Madaxweyne Siillaanyo dhamaysto labada sanndood ee ay dhawaan Guurtidu u kordhisay?

Guntii iyo gebagabadii waxaan kaga baxayaa tani waa bar-bilowgii Fawdo lagu jahawareerinayo goleyaasha deegaanada dalka, iyo bar-bilowgii guulaha Cabdiraxmaan Cirro uu kursiga dalka ugu sareeya ku gaadhi lahaa.

Baashe Axmed Yaasiin (Bashka)

Boorama, Somaliland

Email: baashebashka@gmail.com