Soo-gelooti: Feker iyo Falsad – W/Q: Cabdicasiis Mahdi Axmed “Guudcadde” – Qaybta 1aad

ffHordhac

Waxa la sheegaa in islaan Soomaaliyeed oo miyiga xayn adhi ah ku raacaysa ay u yimaaddeen culimo Tabliiqiyiin ah, dabadeedna ay u sheegeen in ay u socdaan sidii ay u bari lahaayeen micnaha kelmadda tawxiidka ee “Laa illaaha illa laah”. Islaantii aqbalkay ugu duugtay, wayna ka oggolaatay in ay dhegaysato. Wadaadkii gadh’wadeenka ka ahaa kooxda ayaa bilaabay hadalkii, waxa uuna ku yidhi habartii “Micnaha eraygani waa ‘Illaah xaq lagu caabudo, illaahay mooyee, illaah kale ma jiro’”. Islaantii inta oo ay sidaa u eegtay ayay ku tidhi, “Oo Hooyo ma anaa mid kaleba aqaannay, waa ii afkaagee”!

Dhacdadaasi waxa ay ina tusaysaa in Soomaalideennii hore, aqoontu ha ku yaraatee, ay ku naaloonayeen kalsooni soohdin’dhaaf ah oo ay ku qabeen diinta Eebbe iyo Eebbe jiritaankiisaba. Diintu agtooda qiimaha u sarreeya ayay ku lahayd. Ma ay oggolaan jirin in diinta iyo cidda u adeegaysa, wadaadka, il xun lagu eego ama af xun lagu jeediyo. Aqoonta diimeed ee ay wadaaddadu lahaayeen waa iska koobnayd, haddana kalsoonida lagu qabay lagama sheekeeyaan ayay ahayd. Maahmaahyada soomaalida ayaaba laga dareemi karaa kaalinta sarraysa ee wadaadku u sarreeyay. Soomalidu waa ta tidhi:
Saddex lagama kaco:
1. Wadar qodaxdeed
2. Waalid habaarkii,
iyo
3. Wadaad jalleecadii.
Mar kale ayay tidhi, “Sooryo wadaad sebi laguma halleeyo”. Dadka waaweyn, ragga, ayaa wadaadka si meeqaam sarraysa u sooryayn jiray.

Dhanka suugaanta waxa ay Soomaalidu si kulul u difaaci jirtay wadaaddada, waxa ayna ku dhex muujin jireen sida ay diyaarka ugu yihiin u hiilinta wadaadka. Sayid Maxamed Cabdalle Xasan waa kii lahaa:
Wadaadkii kitaabbale in aan, wan u qalaa weeye
Walaanqayahiyo dhayda in uu, walafsadaa weeye
Waylaalis meel wacan in aan, ugu wadhaa weeye.

Markale ayuu Sayidku yidhi:

Culimada waxaa loo quwayn, waa qob iyo dhawr e
Wax munaafaq loo quudhsadaa, qawlka beenta ah e
Waxa qoorta loo jari kufriga, qiil ku waajibiye

Wax qisaasta loo dhiibayaa, qoomammaa hadhiye
Waxa qaali loo raadsadaa, waa qisada diin e
Qalinduurre waxaa looga tegay, waa qur’aan yariye.

Macallin Dhoodaan waa kii isna lahaa:

Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa
Oo imaamyadii wada billaa, balah ku sheegaaya
Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye
Barqankaa inaad bi’isid baan, kaa baryahayaaye.

Adduunyo geddoon baa dhacay aan indhaha laga qarsan karin. Saacaddu dhanka kale ayay u wareegtay. Imminka aqoontii Diinta loo lahaa, iyo dabcan aqoontii duunyo ee kaleba, heerkaasay maraysaa, oo si maxaa kaa galay ah baa wax loo bartay, shahaadooyin sar’sare ayayna wadaaddada haatan badankoodu ka sitaan diinta. Balse kalsoonidii lagu qabay wadaadka, iyo jeclaanshiyihii dadku jeclaayeen diinta iyo u adeegaheedaba; wadaadka, si la dareemi karo ayuu hoos ugu dhacay! Iminka waxa sida daadkii xaabaale innoogu soo faruurmay afkaaro iyo falsafado aynaan shaqo ku lahayn oo qaar taban iyo qaar toganba yeelan kara. Haddaba, waxa is waydiinta mudani waa “Maxaa khaldamay?”, “Ma wadaadkaan wadaadkii ahayn?”, “Ma diintaan diintii ahayn, oo debecday?”, “Ma dadka rabitaankoodiibaa is beddelay? haddii uu is beddelay, maxaa sababay?”, “Ma wax kale oo innaga qarsoon baa soo if baxay oo innagu shaqaysanaya?”. Waxa ay xaaladdu iminka maraysaa, malahayga, tii uu Sayidku saadinayay markuu lahaa, isagoo dabeecadaha soomalida wax ka sheegaya, :

Tuf karaamo Aw’gii lahaa, uma taxniigaan’e
Ninkii ayan tooda uga baqin, uma tudhaayaan’e.

***

Maxaa is beddelay?

Xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin, la isna diidsiin karin, weeye in maanta ay innagu soo badanayaan fekerro shisheeye oo waaridis ahaan innoogu yimi, doolna ah, ayna wadaan dad dubka iyo magaca aynnu wadaagnaa.

Dunida Islaamka guud ahaanteed waxa si Xawaare Sare leh ugu soo badanaya afkaaraha ciwajka ah ee cusub. Innaga, Soomaali ahaanse, waxa aynu Muslimiintaa kale kaga duwannahay, waxa daf inna soo yidhi fekerro laga baxay oo runtii qadiimi ah isla markaana doodahooda rag heleenoo geed qudhaanjo ku xidheen. Isla jeerkaasna aan waqti xaadirkan dunida, gaalo iyo Muslimba, ka shaqaynin. Malahayga kala daadsanaanta iyo dhoohanaanta ayaa la innagu arkay!

Fekradda baarixiga ah ee habeen’dhaxa noqota isla markaana inta laga guuro meel ka shishaysa looga guuro buugbaa lagu qoraa, waana ay kaydsan yihiin. Jamhuurriyaddii Soomaalidu goortii ay meesha ka baxday waxa soo baxay magacyo aan hore soomaalida loogu adeegsan jirin, sida “Qaxoonti”, “Dal fashilmay”… Waxa ayna tusaale u noqdeen dunidii kale oo waxa aad arki dalalka kale oo isaga digaya “Waar Soomaaliya labaad yaynaan noqon”! Bahal baynu noqonnay, weliba aan waxtar lahayn. Haddaba, qaxoontigii iyo dawarsinnimadii ay Soomaali badani debedda martida ugu noqdeen, dhallinyarana u badnayn, ayaa sababtay in wiilkii ama gabadhii marka ay dugsiyada ama jaamacadaha dalalkaa kale ku biiraan, ay cidlo ka helaan buugaagtii la iska nacay ee dhasoobay ee aan xitaa lagaba soo hadal qaadin dalkii lagu daabacay. Dayaca ka muuqda dhallinyarada ee aqoon la’aanta leh, ee akhris la’aanta leh, ee afkaar la’aanta leh, ayaa ay ka faa’idaysteen buugtii cid akhrisata la’ayd. Ka dibna waa kuwaa ku saamoobay, ee feker kasta oo qofkan Soomaaliga ah cusayb u ah ee uu arkaba ku tashada dadkaagii la gaadh waa u baahan yihiine. Dadkaagii qufulnaa ee aan waxba war ka hayn dunida, fekeradani waa ka iibsamayaanne ku hurguf. Ka dibna waxa caadi iska noqday in la arko dhallinyaro diintii Islaamka ka baxday oo Kiristan noqday, ama badh Diin’laawannimo “Cilmaanniyad” qaatay, ama badh Alle’diidnnimo “Atheism” ku qancay! Iyo koox Shiico iskaba noqday. Baraha bulshadu ku kulanto ee Facebook ka midka yahay haddii aad tahay dadka ku xidhan, waad arki kartaa Soomaalida ku qanacsan afkaarahaas dunidu haatan ka khashaafto ee Alle’diidnnimadu ka midka tahay.

Waxa laga faa’idaystay baahideennii aqooneed ee inna haysatay. Dhicistii dawladdii Soomaaliya ka hor waxa dalka haystey dawlad Shuuci-keligii-talis ah. Afkaarihii ay dalkaas keentay dad ku raadoobay oo qaatay ayaa jiray, waloow ayna iminka wax naflihi kasii noolayn, intooda noolna ay yartahay inta sii haysataa, oo badidood ay kaba toobad keeneen. Haddana baqdintu waa jirtaa! Dawladdaasi dhallinyarada uma ay diyaarin manhaj aan ku koobnayn fekraddeedii Hantiwadaagnnimada ahayd, oo wiilkii/gabadhii soomaaliga ahaa fursad looma siin in uu dunida waxa ka socda la qoob wadaagi karo, isla jeerkaasna uu isku hubayn karo aqoon uu ‘yur’ iskaga odhan karo weeraha afkaareed ee sida yahaadhida ugu soo qamaamaya sidii ay u kala goosan lahaayeen hilbihiisa. Kuna diriraya sidii ay u hantiyi lahaayeen. Dugsiyadii maaddiga laga baran jiray ma ay ahayn kuwo gaadhsiisan heerkii loo baahnaa. Dalka guumayste ayaa ka guuray, balse eeshiisii kaga tegay. 1960’kii anigu waxa aan u aqaannaa sanadkii uu dhammaaday gumaysigii ciidda soomalidu, balse uu bilaabmay guumaysigii caqliga Soomaalidu!

Markii dalka lagu soo noqday, dugsiyadii waxbarashadu waxa ay ahaayeen naadir, markii danbese waa ay bateen waxa ayna noqdeen ina daan wayne, oo suryo kasta maanta waxa ka taagan dugsi ama jaamacad. Waxaase lumay ama la lumiyay, ujeeddadii waxbarista. Imminka wax barashada iyo caafimaadkuba waa baayacmushtar. Weliba kuwooda ugu xaamisan xaqa suuqa. Markaa aas aasaha dugsi ama jaamacad dalka ka dhex yagleelaa, badankoodu, uma jeedo arday dhis ee waxa uu u socdaa adduunyo dhiso! Mar labaad ayaanu meesha ka baxay manhaj dadka haga oo tacliinta ka caawiya. Dalkiina waxa uu noqday qayb qaadatay Dimuqraaddiyad, iyo qayb Federaal iyo hawlo aan soomaali dhexdeed ka shaqaynayn isku magacaabay.

Dugsiyadii Qur’aankana iyaga laftarkoodu naafo ayay ahaayeen, oo wadaadka malmaacaddu u furan tahay ardayga kama uu dhisi jirin dhan kasta oo diintiisa iyo dunyadiisaba uu ku dhaqdo, balse waxa uu keliya ka adkaa sidii uu Qur’aanka ugu dhammayn lahaa, qaybistiisa oo qalalan balse aan wadan tafsiirkiisa. Wadaaddadii Suufiyada ee dalka u sarreeyay burburkii ka hor, waxa ay qaadhaan aan laga been sheegi karin oo culus ku darsadeen gaadhista diinta dadka miyiga; ha ku ladhaan xoogay bidco iyo khuraafaad ah, haddana inta ay qabteen cidna ma qaban. Intaa khaladaadka ahna waxa loo aanayn karaa aqoontooda oo iska yarayd, intii karaankooda ahaydse way dedaaleen baa la odhan karaa. Waxa innagaga filan qarnigii 12’aad dhamaadkiisii ayuu dalka yimi Sheekh Yuusuf al’Kawnayn – “Aw Barkhadle” oo soo kordhiyay horumarkii u weynaa ee abid gudaha dalka laga sameeyo dhanka fududaynta barashada diinta, waa sheekhii ikhtiraacay aragtida ah in af soomaali lagu baro ardayda higgaadda af carbeedka. Alif wax maale, Ba korku halle, Ta korku labaalle… Higgaaddii noocaa ahayd waa ninkii soo saaray. Hadda carabbuu ahaaye la soco! Sheekhyadaa Suufiyadu kaalintoodaa ayay ka ciyaareen baridda ardayda soomaalida ah diinta siiba Qur’aanka.

Markii dalka lagu soo noqday waxa dalkii ka dillaacay fitno aynaan shaqo ku lahayn, waxa dalkii kusoo noqday wadaaddo lasoo baxay dhaqanno aan dalka hore looga aqoon, waxa dillaacay koox’diimeedyo ku dhisan mabda’ siyaasiyaysan oo aan dan shacab ku jirin, waxa malcaamadaha ardayda lagu barayay keliyata sidii uu sheekh hebel isaga ilaaliyo ama uu u daandaansado oo uu afka xun ula tago, wax ay ku tilmaamaan “Raddin” ayaana erayadii la adeegsan jiray kusoo biiray. “Sheekh hebel baa maanta loo balansan yahay sidii uu raddin lahaa sheekh hebel ama koox heblaayo”, ayaa noqday warka u weyn ee la isla dhex maro. Markan labaadna ardaygii ma uusan helin aqoontii diimeed ee uu u baahnaa xaqana u lahaa, si uu isugu difaaco. Haddii raddintaas lagu beddeli lahaa doodo cilmiyaysan oo labadan Sheekh ee wax isku hayaa jilbaha isu aastaan, oo halkaa inta la isu soo kitaab uruursado waddada cad la is mariyo, dawakhaaddan badani ma dhacdeen ee bulshadu kooda xaqa ku taagan ayay judhaba garan lahaayeen. Balse iminka taasi ma jirto, horena – inta aan oggahay – hal mar ayay taas oo kale dhacday. Taa beddelkeeda maanta waxa aad arki laba masaajid oo is kulaalaya midba wadaad ka hadlo, oo kan jaarka ah wixii uu shalay yidhi duro. Kaaga darane nin arday ah ayaad arkaysaa oo macallinkiisii u soo tafa xaydanaya raddintiisa! Dadkuna dee waxa ay u arkayaan wiil yar oo sheekhii waynaa afka ku taagoo “Buus” ayuun baa loogu jawaabi, hadalkiisana halkaa laga soo qaadi maayo. Arrinkaa aan tebayo ee ah doodaha aan ka daba tagee, laba nin ama laba kooxood oo isku heer ka maraya aqoonta ama la isugu garaabi karo ayay tahay in la is hor fadhiisiyo, uuna daadihiyo ruux/koox aan shaqo ku lahayn dhexna ka ah, isla jeerkaasna aqoon fiican u leh arrinkan laga doodayo.

Ardaygii marka maalin kasta sidii uu nici lahaa koox hebla ama sheekh hebel aan waxba u geysan loo dhigo (badidoood, kulligood laakiin ma aha), isaga oo buuxa marka uu dalka ka huleelo, ee uu heloodo buugtii afkaarta tabani ka cimidha ahayd, maxaad ka filan? In uu qarxo soo maaha? Haa. Aadanahu, cilmi nafsi ahaan, uma dul qaato nacaybka iyo cidhiidhiga garaadeed. Waxa uu isku deyi doonaa in uu ka xoroobo ama iska xoreeyo goobahan ku boorrinaya nacaybka. Waa kaas markaa ka fad’kudiyay meel daran iyo meel la eedo isna uu eedo!

Hadalkaygu indhaha kama qarsanayo wadaaddadii hore ee aqoon yarida dadka ku soo wadey, khuraafaadkana ka buuxiyay. Balse waxa uu u badan yahay sababba sababtay ka culustahay.

Diintu isma ay beddelin, isma beddelayso, isma beddeli doontana, balse qodobbadaas aynnu soo carrabaabnay iyo kuwo la naas nuugay ayaa jira oo is dooriyay.

Dhaqanka soomaalida ee hore waxa uu isna runtii ku leeyahay kaalin aan la yaraysn karin baadiyowga dhallinta maanta. Waxa aynnu lahayn, soomaali ahaan, dhaqan iyo caado aynnu gaadhsiinnay heer ka tegistiisa ay ka dhalanayso cadho Eebbe, oo waa tii aynnu nidhi, “Caado la jaraa, cadho Allay leedahay”. Dhaqankaasi ma run baa oo waa uu wada wacnaa? Mise mayee waa uu wada xuma wuxu? Ila soco akhriste, aynu si wada jir ah uga jawaabno waydiimahaase.

Dhaqan kasta oo dunida ka jiraa waxa uu leeyahay iin iyo awood, iin uu u buko oo ay tahay in la daweeyo ama laga takhalluso iyo awood uu u ladan yahay oo ay tahay in la horumariyo, lagana faa’ideeyo. Dhaqanka Soomaaliduna waxba kagama duwana. Goobo uu u liitay, digadana uu ka ahaa ayaa muush ah, dhan uu ka bed qabay oo uu waxtar ka lahaana waa buux.

Marka aynnu leenahay “Dhaqankaasi halkaana waa ku wacan yahay, halkaa kalena waa ku xun yahay ama ka xun yahay”, wax aynnu min’qiyaas iyo beegaal inoo ah diinta Islaamka.

Qarniyadii ka horreeyay imaatinkii guumaystaha, oo ahaa waqtiyo taariikhda soomaalidu mugdi ku jiro, waxa aynnu tibaaxda ku haynnaa in soomaalidu u noolaayeen qaab ‘tol-tol’ ah oo tol kastaa leeyahay xidhihiisa iyo xeerkiisa uu tolka kale kula macaamilo; xeer guud iyo xeer uu dhexdiisa isku basriyo; xeer gaar.

Dadka dunidan ku nooli waxa ay wadaagaan awoow guun ah oo qudha; Aadan NKH. Waxa uu aadanahu soo samaynayay horumar, dhan walba leh. Docda hu’qaadashada, waxa sooyaalka ku suntan dadku waa ay mudh iyo gacan ahaayeen, horusocod yar ayay sameeyeen oo waa kuwii ku guulaystay in ay cawrada’, xubnaha taranka, iska asturaan, kol ay caleen ku nab’nabeenna si uun bay yeeleen. Heer baa lasoo gaadhay hargo la soo saaray in dhar laga dhigto, carruurtu ha iska qaawaanadaane, waalidka iyo qaangaadhka uun in ay gashadaan dharkaa saamaha ka samaysan. Ilaa heer ay diinta Islaamku soo degtay oo u fududaysay dadka in ay u tilmaanto dharka u habboon. Waxaase wax laga naxo oo laga diiro ah in maanta oo la marayo qarnigii 15’aad ee Hijriga – 21’aad ee Miilaadiga, la arko dad rag iyo dumarba leh oo is qaawinta iyo faydashada haweenka ku dooda ama u dooda! Raadkaaga dib u raac waa habaar! Tiibaa haysata dunida dad badan oo maanta ka mid ah.

Soomaali ahaan haddaba, midh intaa le’eg kagama duwana horumarradaa la soo samaynayay. Waxa la xusayaa in aynnu soo marnay seben ay haweenku garabka iyo tintaba qaawin jireen, ninkii go’ uu guntado iyo mid uu garabka saarto helaana cawadiisaba! Maanta waa la wada juqaalan yahay. Haweenkiina si qurxoon oo badi ay diintu oggoshahay ayay isu astureen, raggiina sidaa si la mid ah. Balse, cilladaa aynnu soo xusnay ee iminka soo if baxday ee is qaawinta ahi innagama maqna. Horumar haddii aynu u qirno kasoo gudbidda marxaladdaa aynnu kasoo gudubnay ee qaawanaanta ahayd, maxaa innagu celin kara?

Dhaqankaas soomaalidu, marka la isku soo uruursho, in tabanna waa lahaa in togan oo weliba badanna waa lahaa, ee waxa ina faran in aynnu wixii tabnaanna saxno, wixii tognaanna siyaadinno.

***

Waxa aynnu hoos kaga faalloon doonnaa afkaaraha iyo falsadaha ay tahay in aynnu iska jirno.

Fekradaha iyo Falsafadaha soo-gelootiga ah ee ay tahay in laga feejignaado: aasaaskooda, sababtooda, faafiddooda.

“Fekradaha soo-gelootiga ah” waxa aynnu uga jeednaa fekradaha lunsan ee leexsan ee laga soo duway dhankaa iyo Yurub lana soo geliyay gudaha dalalka Muslimiinta ah xilliyadan danbe. Fekradahan iyo Falsafadahi waxa ay ku dhasheen kuna soo kacaameen dhankaa iyo Yurub, waxa aynna u soo dalxiis tageen kuna dhex faafeen gudaha dalalka Muslimiinta ah!

Inta aynaan gelin sida ay ugu soo duseen gudaha dalalkeenna, wax aynnu ka horraysiinaynaa maxaa sababay asalkii in afkaartaasi Yurub dhexdeeda ka dillaacaan?
Waxa aynu tixi karnaa saddex sababood oo muhiim ah:

  • Sababta koowaad:

Leexdintii iyo beddeliddii lagu sameeyay diintii xaqa ahayd ee uu Eebbe ku soo dejiyay Nebi Ciise NKH. Wax ka beddelkaas waxa aan ka ammaan helin dhammaan tiirarkii diinta Injiil; dhan caqiido iyo dhan shareecada. Waxaana inxiraafkaa ka mid ahaa;

– Aaminniddii la aaminsanaa in Eebbe keligii yahay, Carro’edegna uu u yahay Abuuraha keli ah, Ciise Binu Maryamana yahay ergaygii Eebbe waa la beddelay, waxaanay jeebkooda iyo shaydaan kala soo baxeen Ilaah saddexan! Sida ay sheeganayaanna ka kooban saddex “Aabbe, Wiil iyo Ruuxda daahirsan”. [Qur’aan, Maa’idah:72].
– Dhanka shareecada waxa lagu sameeyay leexdin iyo is beddel wixii lagu samayn lahaa oo dhan, waxa uuna baadarigu ku saleeyay hadba hawadiisa iyo danahiisa gaar ahaaneed.

  • Sababta labaad:

Xadgudubyadii raggii kiniisadda madaxda u ahaa, iyo la keli noqoshadii ay la keliyoobeen kootadana gashadeen xukunkii iyagoo dadka u soo gashanaya kuna addoonsanaya shaadh diimeed si ay u fushadaan baahiyahooda qof ahaaneed. Iyo is hor taaggii ay is hor taageen barashada cilmiga waxtarka leh ee Saynisku ka midka ahaa, iyagoo dilayba aqoonyahannadii Sayniska ee uu Galileo ka midka ahaa, isagoo jeelka ku dhex dhintay. [Galileo Galilei, Date of death, January 8, 1642].

  • Sababta saddexaad:

Kaalinta ay Yuhuuddu ku lahayd baa’biinta iyo fasahaadinta diinta iyo asluubta suubban. Arrintan oo ka dhalatay xaasidnnimada iyo xiqdinnimada ku abuuran ee ay u hayaan bulsha waynta kale oo idil iyo isu haysashada ay isu haystaan in ay yihiin shacabkii Eebbe doortay dadka kalena u yihiin addoomo. [Qur’aan, Maa’idah:18].

SHARRAXA SABABTA KOOWAAD:
Beddeliddii dhanka caqiidada iyo shareecada ee diintii Nasaarada;

Xaggee ayay ka timi aragtidana sheegaysa in Ciise yahay inankii Eebbe? Qisadan ila dhugo.

Shaul waxa uu ahaa nin Yuhuudi ah una dhashay deegaanka ‘Tartus’ kana soo jeeda kooxda la yidhaahdo ‘Pharisees’ ee Yuhuudda ah. Waxa uu ka mid ahaa cadawga Kiristanka ee haddana aaminsanaa Ciise NKH. Markii uu Eebbe xaggiisa u qaaday Nebi Ciise ee uu ka sarraysiiyay dhagartii lala maagganaa, [Qur’aan, Annisaa:157-8], ayuu sheegtay ninkan Shaul in isaga oo xaggaa iyo Dimishiq kusii socda uu meel samada ah oo ku beegan uu ku arkay nuurkii Nebi Ciise. Ka dibna, waxa uu yidhi, Nebigii baa igu yidhi “Maxaad ii faquuqaysaa?!”. Shaul baa ina leh waan gargariiray markaasaan ku idhi “Oo kuma ayaad ahayd?”. “Ciisihii aad faquuqdeen ayaan ahay” ayuu iigu jawaabay ayuu yidhi. Ka dibna waxa uu ku celiyay Shaul isaga oo gargariiraya, waa sida uu sheeganayee, “Maxaad iga doonaysaa Rabbiyoow?”. “Orodoo gal magaalada (Dimishiq) ka dibna waxa lagu odhan doonaa maxay tahay in aad samayside” ayuu iigu warceliyay Ciise ayuu yidhi. Sidii buu sameeyay magaaladiina wuu galay, hadda ogoow awelkii horeba magaalada ayuu u socdee, ka dibna ninkii u horreeyay ee uu la kulmo ayuu ku taabtay in uu yahay nin Eebbe, Ciise, doortay una xilsaaray in magaciisa adeegsado kuna adeego una adeego, magaciisii Shaul’na waa uu beddelay oo waxa uu la baxay Babuulas. [Cutubta22 : The lost book of the Acts of the Apostles for Paul ama Sonnini Manuscript].

Muddadaa wixii ka danbeeyay, Shaul waxa uu faafiyay shirkigaa waxa uuna sheegay in Ciise yahay inankii Eebbe (Eebbe waa ka nasahan yahee). Waxa uuna sheegtay in uu ka heli jiray tilmaamaha diimeed xagga Rabbi, oo lagu ilhaamin jirayba! Heer uu noqday faafiyaashii diinta Nasaarada ee ugu cad’caddaa uguna firfircoonaa xilligiisii. Waxa uu bare u noqday labada nine e kala ah Marqas iyo Lofa oo labaduba ka mid ahaa qoraayadii qoray afarta buug ee Baybalka ee iminka ay Nasaaradu cuskato.

Arrinka ina khuseeya ayaa ah in Nasaarada dhexdeeda aan laga aqoon fekraddan ah Ciise waa inankii Eebbe Shaul hortii; yuhuudigaas xaasidka ahaa ee ku dedaalay kuna guulaystay in uu Kiristanka diintooda tashuush kaga furo, ka dibna uu kaga dhex qasay beenahaas badan isaga oo sheegtay in ay tahay sheeko dhab u dhacday kuna dagay wax’ma’garatadii kiristanka ahayd, sidii uu doonayayn waa ay u suurowday.

Taasi waxa ay ahayd qisada ka danbaysa in Ciise la yidhaahdo waa ina Ilaah. Iminkana aynnu isku daynno in aynnu soo koobno halka ay ka timi aragtidana ah Ilaaha saddexan; Aabbaha, wiilka iyo ruuxda daahirsan.

Sheekadu waxa ay salka ku haysaa, ninkii raallida ku ahaa diintii Nasaarada ee saxda ahayd ma uusan qaadan aragtidii Shaun ee ahayd in Ciise ina Eebbe yahay ka dibna isku dhacyo iyo dirir ayaa soo kala dhex gashay, Roomankii Ilaah’badnida aaminsanaa ayaa gacanta ku hayay saldannada iyo awoodda maamul waxa aannay faquuqitaan iyo amar’ku’taaglayn ku hayeen kiristankii waxa ayna gaadhsiin jireen ciqaab joogta ah iyo jidh dilba. Waxa ayna cabiidintaasi gaadhay halkii u sarreysey markii ay xukunka qabteen imbaraadooriyaddii Rooma ee uu hoggaanka u hayay Nero, kaasoo xilka hayey 54 – 68 Miilaadiga. Ka dibna waxa ay haddana mar labaad ciqaabtii kiristanka lagu hayay soo laba kaclaysey intii uu carshiga imbaradoornnimo u baxay Trajan sanadihii 98 – 117 Miilaadiga. Haddaba mar saddexaad cahdigii Decius sanadihii 249 – 251 Miilaadiga. Haddana mar afraad muddo’xileedkii Diocletian ee u dhexeeyay 284 – 305 Miilaadiga, ninkan oo amray in la dumiyo kiniisadaha, isla markaana la laayo wixii kiristan sheegta, waxaana kurka laga guray in ka badan 3 000 (Saddex kun) oo qof!

Muddadii ay socotay weerarkaa lagu hayay waxa lumay kutubtii qadiimka ahayd qaar ka mid ah, badhkoodna waa la gubay. Ruux keliyii kuma uusan dhici karayn in uu kor u muujisto diintiisa, hoos’hoos ayaanay u cibaadaysan jireen iyaga oo ka baqaya Roomankan laayaanka ah, illaa uu xilkii qabtay nin la dhihi jiray Qasdandiinkii koowaad (Constantine I) Nasaarada laftarkooda ayaana ka caawiyay ama ku caawiyay in uu kursiga isku hubsado, sanaddii 306 Miilaadi ayayna ahayd. Sanadkii 313 Miilaadiga ayuu bilaabay in uu sii daayo maxaabiistii kiristanka ahayd isaga oo aanay ka maqnayn fekraddii Ilaah’badnnimada ahayd ee aabbayaashii. Waxa uu arkay kala qaybsannaanta ka muuqata Nasaarada dhexdeeda, oo badhkood aaminsanyihiin tii saxda ahayd ee Eebbaha keliga ah la caabudayay, badhna Shaun saameeyay oo ku daray in Ciise inankii Alle yahay, badhna Roomanka ayideenoo illaahaa saddexan qaateen. Markaas ayuu fursadda ka faa’ideeyay waxa aannu isugu yeedhay shir ka dhacay sanadkii 325 Miilaadiga magaalada ‘Tiifit’, waxaana la isla qaatay in la sameeyo bulsho uu u bixiyay “Bulsho Maskuuni ama Ecumenical ah” si ay isugu waafaqaan diin dawladda lagu maamulo noqotana tan rasmiga ah ee imbaraadooriyadda. Waxa shirkii si juujuub ah lagu ansixiyay in la qaato fekraddaa odhanaysaa illaaha saddexan, sidaas ayaannu ku dhaqan galay xeerkaasi. Waxa uuna boqorkii amray in wax laga qaato afarta buug ee baybalka iminka jira ee ah kuwa keliya ee ayidsan illaahaa saddexan, kala ahna Marqas “Gospel of Mark”, Loqa “Gospel of Luke”, Yuxana “Gospel of John” iyo Mata “Gospel of Matthew caqiidadan cusubna waxa loo bixiyay Kaatalik, Catholic – oo micnuhu yahay “Diinta guud”. [Akhri buugga ( تاريخ الصراع بين الدين والعلم ) ee uu qoray Draper, mufakkir maraykan ah oo xilliyadan danbe soo baxay].

Waxa aynnu ku doodi karnaa haddaba, fekradahan dhamaantood ama ha ahaato Ciisaa inankii Illaahay ah, ama ha noqoto illaahan saddexda ah e, waa shalay’dhalay gacan’ku’rimis ah oo Nebi Ciise ka danbeeyay, bidcana ku ah kitaabkii iyo farriintii Injiil ee Eebbe u soo dhiibay Ciise binu Maryama NKH.

 

SHARRAXA SABABTA LABAAD:
Xadgudubkii raggii kiniisadda iyo addoonsigoodii shaadhka diinta gashanaa;

Raggii kiniisaddu waxa ay noqdeen shiidaalka dabada ka riixa ee ay ku tamariyaan nidaamka garsoorka ee imbaraadooriyaddu waxa ayna la soo baxeen caado ah in ay ansixiyaan xukunkii dantooda u adeegaya, kii ku lidka ahna ay daaqadda ka laliyaan una yeedhiyaan maxkamadda go’aannada ay tahay in ay gaadho. Waxa ayna ka faa’ideysteen u hoggaansanaanta ay u hoggaansanaayeen raggii fulinta lahaa baadariyada si ay u gaadhaan danahooda diimeed. Astaamaha muujinayay xad’gudubyadooda waxa ka mid ahaa in ay koota ku qabsadeen aqoontii; cilmi ma yeellan karo ruux aanu Baadariga ama ku xigeenkiisu u garan, waxa ay sidoo kale faquuqeen cidhiidhina geliyeen cid kasta oo isku dayda in ay dayrka kiniisadda meel aan ahayn wax ku barato! Lacagaha sifo kasta oo ay u maraanba waa ay urursan jireen, xitaa waxa ay gaadheen heer ay dadkii cashuuro ku soo rogaan si ay u biishaan baadariyada iyo ragga kiniisaddu, heer baa la gaadhsiiyay ay soo if baxday waxan loo yaqaan “Indulgences” taas oo noqotay mid ka mid ah ilaha kharash ee kiniisadda. Waxyaabaha sii muujinaya tacaddigooda waxa ka mid ahaa nidaamkii baadhidda ahaa ee ay ku soo dallaceen cid kasta oo ay u arkaan in uu kasoo horjeedo si’u’aragga baadariga xitaa haddii uu yahay mid Nasraanni ah oo iyaga ka mid ah. Waxa ay sidoo kale diintaba ka saareen cid kasta oo isku barata Sayniska Dabeecadda ama “Natural Science”, iyaga oo u aanaynayay laba qodob:

  • Cilmigani waxa uu ruuxa barta u furayaa caqliga, waxa aynna la imanayaan daliillo burinaya khuraafaadkan ay kaniisaddu soo saarayso. Waxa ayna ogaan doonaan in awaamiirtan iyo qaraxyadan ay sheegayaan yihiin kuwo aan cilmina sal ku lahayn, caqliga sax ka ahayn.
  • Cilmiga Sayniska oo ay horumariyeen dadyow Muslimiin ah ayaa la diidanaa in la soo nooleeyo.

SHARRAXA SABABTA SADDEXAAD:
Kaalintii yuhuuddu ku lahayd kharaabinta diinta iyo asluubta;

Waxa aynnu soo sheegnay kaalintii uu Shaul ku lahaa in diintii Nasaarada uu ku furo tashuush iyo shirki, tallaabadaasina waxa ay ahayd bar’billawga silsilad fara’gelin ah oo ay yuhuuddu ku bilawday diinta iyo dadka kiristanka ah.

Waxa ay garwaaqsanaayeen yuhuuddu in aadanaha oo dhan, qof ama kooxba, haddii laga helo caqiido sax ah, mabda’ sal leh iyo asluub sarraysa, ay adag tahay in la wiiqo, la maamulo isla jeerkaasna la dullaysto. Sidaa darteed, waxa ay yuhuuddu dedaalkoodii, tamartoodii iyo xeeshoodii oo idil ama badankeedii isugu geeyeen sidii ay dadka u dagi lahaayeen, waxa ay ku dhex fidiyeen afkaartoodii bugtay, waxa ay aaminsiiyeen in ay dulliyaysan yihiin ayna iyaga u baahan yihiin, si ay ugu fududaato maamulidda iyo gacan’ku’dhigistoodu, isla jeerkaasna ay cagtooda hoosteeda keenaan! Waxa ay hal abuureen fekradda ah “Dullaynta garaadka” iyo ka xorraynta wixii diin la xidhiidha iyo dhaqamada soo jireenka ah ee diinta salka ku haya. Waxa ayna unkeen kooxda “Illuminati” – oo ah koox yuhuud ah oo qorshahan ka danbaysey, waxa ayna kaashadeen maal’qabeennadii yuhuudda ee uu ka mid ahaa Rotishjaydhkiii koowaad – Rothschild I, haddana wiilkiisii Nathan Rothschild ayay is kaashadeen. Waxa uu Rothschild isugu yeedhay laba iyo toban hantiillayaal yuhuud ah magaalada Frankfurt. Waxa uuna la daraasadeeyay sidii looga qayb qaadan lahaa kacaan Faransiiska laga oogo. Dhammaantood waa ay isla qateen in wixii hiil iyo hooba ah lala garab istaago kacaankaas, ka dib markii la tusiyay warqaddii ay diyaariyeen kooxdii Illuminati oo ay ku qornaayeen qodobbadani:

  • Xaqiiqada taariikh ahaan la hayaa waxa ay ka marag tahay in dadku u leexasho og yihiin sharka in ka badan inta ay u leexdaan wannaagga iyo khayrka.

Natiijada suurta galka ah ee ka dbalan karta qodobkanina waxa ay ahayd in ay fududdahay in shirqoolku gaadhi karo hadafkiisa haddii xukunku ku dhismo ad-adayg, argagax’gelin, takri’fal, amar’ku’taaglayn iyo taladii oo in yari la keliyowdo. Wixii xukun ah ee wada’tashi iyo caddaalad ku dhisnaan lahaana aan loo oggolaan in uu madaxa qaado.

  • Xorriyadda siyaasaddu waa fekrad uun, ee ma aha shay waaqic ah.
  • Xukuumadda Dahabku, “Gold authority”, waxa ay weligeedba ka badinaysaa xukuumadda layberaarka ah “Liberal”.
  • Si loo gaadho fulinta shirqoolkan waa in la maraa ama loo maraa waddo kasta oo macquul ah, dheeraaddada bulshada ee waaweyn sida runta wax boos ah kuma laha siyaasadda, wax aan ceeb ahaynna kuma soo kordhinayso siyaasadda.
  • Xaqeennu waa awooddeenna. Eraygan xaqna waa uun kelmad khiyaali ah oo aan micno lahayn.
  • Waa in saldanaddeenna ka dhalatay xakamaynteenna lacagtu noqotaa mid ka qarsoon indhaha dadwaynaha jeerooy ka timaaddo maalinka ay xukuumaddeennu ka gaadhayso awood ku filan oo aan looba helayn cid loodisa.
  • Waa in cilmi nafsi ahaan la hantaa maskaxda dadwaynaha. Waayo dadwaynuhu waa indhool, feker darraa haysa isla jeerkaasna waa wada caaddifad.
  • Waa in lagu tiirsanaadaa khamrada iyo “Sharaabka-ruuxiga ah”, maandooriyaha, fasaadin asluubeed iyo mid jinsiyeedba, laaluush, baabi’inta damiirka, si lamid ah sida ay tahay in wax kasta aynnu uga faa’idaynno gaadhidda yoolkeenna dhammaadka.
  • Shirku waa in uu boobaa hantida cid kasta.
  1. Waxa aannu hore u wadi doonnaa dawladdeenna taasoo qaadi doonta dagaallo musalsal ah, si aynnu uga baaqsanno in aynnu u soo banbaxno weerar horor ah oo lagu hoobto oo la innagu soo qaado.
  2. “Xorriyad”, “Walaaltinnimo”, “Sinnaan”, waa hal ku dhegyo aynnu innagu bilawnay isla markaana ku hubsannay afka dadwaynaha si ay ugu hadaaqaan uguna soo celceliyaan sida shinbirta “Parrot” ka la dhaho. [Eeg Mansuur Cabdilxakiim, من يحكم العالم سرا Iyo حكومة العالم الخفية – شيريب سبيريدو فتش].

***

Intaa ka dib waxa uu Rothschild u caddeeyay kasoo qayb galayaashii shirka qorshaha dagaalka loo gelayo iyo sida ay tahay in ay doorashooyinka u shiiqiyaan. Ka dibna waxa uu u sharraxay kaalinta uu yeelan doono cid kasta oo hantida mansabyada sarsare ee xukuumadda waxaanu yidhi “Waxa ay ahaan doonaan kuwo innaga inoo shaqeeya, amarradeenana qaata oo fuliya. Waxa ay ahaan doonaan sida xoolahan lagu dheelo shaxda Chess’ta oo aynnu dhanka aynnu doonno u riixriixi karno xilliga aynnu doonno”. Ka gadaal intaas waxa uu u galay sidii loo unki lahaa isku-xidhka “Freemesonry” iyo in ay caws jiilaal tahay in ay ahaato mid inta ay sir ahaan karto ahaata, weliba sir heer sarraysa, ujeedkeeduna yahay fidinta Alle-diidnimada iyo maaddinimada “Materialism” jeerooy gaadhaan heer aan lasoo daba-qabatayn karin.

Waxa uuna hadalkiisii kusoo afmeershay “Marka aynnu hantinno kaantaroolka guud ee dunidan, waxa aynnu ku dhaqaaqi doonnaa ka tirtiridda magaca Eebbe iyo qawaaniinka ilaahiga ahba dunidan iyo dabeecaddaba.

Durba waxa bilaabmay shirqoolkii, aftaxiina waxa uu noqday kacaankii Faransiiska ee 1789, dhacdooyinkuna waxa ay u socdeen sidii ay ugu talo galeen. [Eeg The Protocols].

Cuqdaddaas ay qaadeen dadwaynihii reer Yurub ayaa sababtay in ay ku dedaalaan in ay ka xoroobaan kiniisaddii oo ay u arkayeen in ay tahay sababta dib u dhacooda. Waxa markii u horreysey la meel mariyay in aqoonta iyo ardaaga kiniisadda la kala saaro. Saynisyahanno badan maadaama ay qabtey kiniisaddu waa in laga soocaa aqoontii, sidaa ayaa la gartay. Waa ay soo socotay ilaa ay gaadhay in siyaasadda ama xukuumadda iyo diinta kiniisadda la kala saaro oo la yidhaahdo wuxu waa sida saliid iyo biyo oo sinnaba isuguma milmi karaan. Intaa laguma joogsan ee waxa la soo istaagay laguna guulaystey ilaa xad in gebi ahaanba la yidhaahdo diintu yaanay kiniisadda soo dhaafin! Wayba socod badatay tan diin ahiye, gidaarada kiniisadda iyo kutubta Baadariyada talaabo ugama soo ruqaansan karto.

Halkaa marka ay marayso waxa lasoo noolaysiiyay aragtidii iyo falsafaddii Aristotle ee ahayd “Eebbe waxa uu abuuray dunidan, ka dib markii uu dhammeeyay ayaa uu faraha ka qaaday (waa uu ilaaway), waxa aannu ku mashquulay naftiisa ileen dunida agtiisa qiimo kuma lahee, waxa uuna u daayay nolosha adduunku in ay iyadu is waddo isna maamusho”, [Eebbe waa ka nasahan yahay beentaas], falsafaddaas ayaa sideedii loo soo faqay oo awelkii hore waxa aastay kiniisadda. Sidii ay ahayd ayaana loo dabbaqay. Waa barta uu ka bilaabmay fekerka “Cilmaaniga” ama Diin-laawannimada. Waxa si tartiib tartiib ah u sii balaadhatay falsafaddaas. Kiniisaddii ayaa xanaaqday waxa ayna nolosha ku gubtay badi dakii kasoo hor jeestay. Carruur iyo cirrooleba waa lahaayeen dadkaa la gubay. Nin ka mid ah dadkii daawanayay dadkaa la gubayay isla jeerkaasna Saynisyahan ahaa ayaa is waydiiyay “Oo niyoow haddii uu ilaah jiro meeyay? Muxuu dadkan masaakiinta ah u badbaadin la’yahay?”. Waydiintii u horraysey ee laga dhadhansan karo Alle-diidnimo ayay noqotay. Ninkii halkii ayuu ku qaatay in wax Ilaah sheegtaa jirin! Fekraddii “Mulxidnnimada” ama Alle-diidnimada ayaa iyana halkaa ka faaftay.

Maanta waxa lala dhex wareegaalaystaa gudaha dalalka Islaamka ah “Yurub waxa ay horumartay markii ay Cilmaannimada iyo Ilxaadnimada qaadataye, Muslim ahaanna maynnu qaadanno oo diintan masaajidka ku seetaynno?”. Waxa aan kaga jawaabayaa doodda noocaas ah, labada diimood ee aad is barbardhigaysaan miyay is geyaan in la is barbardhigo? Diin lagu sameeyay is beddelka iyo kaabista intaa le’eg ee aynnu waxa yar kasoo tilmaamnay, Kiristan, iyo diin sidii Eebbe kusoo dejiyay ah ahaan doontana, Furqaan, ma caddaaladbaa in la is barbardhigaa. Haa way horumareen iyagu, waayo waxa ay ka xoroobeen khuraafaad ay raggii kiniisaddu camcamteen, ee meesha ma ay oollin diintii uu Alle Ciise, NKH, kusoo dejiyay ee Injiil. Ma ahayn Injiilkii runta ahaa. Laakiinse tan Muslimiintu haystaan waa Furqaankii uu Eebbe kusoo dejiyay Maxamed, NNKH.

Maxaa sababay in fekradahaasi dalalka Islaamka soo gaadhaan?

Sida la filayay waxa ay ahayd in ummadda Islaamku gasho dhufays adag isla jeerkaasna difaacoodu adkaado oo aanay u saamixin afkaarahaasi in ay xadkooda kasoo tallaabaan, maadaama uu Islaamku yahay diintii xaqa ahayd ee ay adagtahay in uu baadilku ku dhex qasmo. Maadaama ay diintu tahay diinta ku hantiday caqliyada caddaymo maan’gal ah, adeegsatayna qaab ay wax u sheegto oo aanu caqligu diidayn. Balse waa ay dhacday! Diintii Islaamku weli waa sideedii waana ay leedahay astaamahaas aynnu ku sheegnay, waana ay yeelan doontaa sida ay awelkii horeba u lahayd, balse koox yar oo shacabkii Muslimiinta ka mid ah ayaa qalbiyadoodii furay caqligoodiina qufulay, damiirkoodiina iibsaday; weliba siistay samanin qaliil. Waxa ayna aqbaleen in ay qaataan weliba ay faafiyaan fekeradaa shisheeye.
Sababahan ayaynnu u aanayn karnaa:

  • Hawo raacnimo; ka leexashaa waxa Eebbe rabo iyo u leexashaa waxa Shaydaan rabo.
  • Jaahilnimo faaftay siiba dhanka diinta; caqiido iyo shareecaba, waxa tanna sababay ku dhac la’aantoodii ay ka gabbanayeen in ay diinta bartaan oo aqoon dalbaan, dedaalna geliyaan sidii ay u kasban lahaayeen cilmiga. Tani waxa ay keentay in uu khalad-fahan soo foodsaaro ka haysta dhan kasta oo diinta ka mid ah. Khaladaadka dhacayna waxa ka mid ahaa:
  • Is dhex gal ay is dhex galeen qodobbadii diinniga ahaa. Oo tusaale ahaan waxa ruuxii iskaga dhex qasmay ama uu isku dhex qasay wixii xaaraanta ahaa iyo wixii makruuha ahaa, denbigii waynaa iyo denbigii yaraa, faralkii iyo sunnadii. Ka dibna waxa la arkayay qof ku mashquulay meel soke oo ka tegay cunsurradii ka muhiimsanaa.
  • Khalkhalbaa soo dhex galay ama lasoo dhex geliyay meelihii ay ahayd in dedaal cilmiyaysan, Ijtihaad, la gesho iyo meeshii aanay ahayn. Ka dibna waxa la arkay nas lagu ijtijaahadayo!
  • Caalinka Ijtihaadka sameeya fatwada uu soo saaro oo loo qaatay biri-ma-gaydo aan lagaga daba dhufan karin ciddii in ay u jawaabto iska daaye il diidmo ah ku eegtana loo tixgeliyay in ay ku sugan yihiin baadil, markaa uu halkaa kasoo foocay is-kooxaysigii dulliga ahaa. Intii sheekha taageertay fatwadiisa iyo intii ka biyo diidday. Oo hadalkii wadaadka ayaa laga dhigay mid muqaddas ah.
  • Xaddigii camallada la samayn lahaa oo gadhka la isu geliyay, lagana dhigay “Sidaan doontid ugu galgalo”! Meel ay ahayd in xaddi badan laga qaato oo la qadhiidhay iyo meel ay ahayd in aan waqti badan lagu lumin oo cadceeddu ugu dul dhacday.

Arrimahan ayaa keenay in dadkii Muslimka ahaa ardaa-daaq noqdaan isla kolkaana isagii isu muuqdo. Waxa sida maxaa kaa galay oodda u soo jabsaday bidcadii, khuraafaadkii iyo ku kalsoonaantii shakiga baadilka ah ilaa uu soo baxay sawir kale oo Islaamkii laga fidiyay. Muslimiinta ayaa dib u dhac aan la qiyaasi karin waajahay, dhan kasta, cilmi iyo horumar; hadday tahay Sayniska Dabiiciga ah, kan Aadanaha ama kan Maaddiga ah. Tani waxa ay fursad aad u ballaadhan siisay in dadkan iska dayacan ama is dayacay ay si yar oo fudud ugu soo wareegaan afkaarahaas iyo falsafadahaas shisheeye. Xaaladdii dib u dhac ee dadka ayaa laga faa’ideystay. Dunida Islaamka guud ahaan, soomaalideenanna gaar ahaan; oo innagu waxa aynnu kuba sii jabnay waxa ina soo gaadha hadba afkaaraha laga baxo ee qadiimiga ah! Ileen dadka kale waynnu kasii danbaynaaye. Maadaama aqoon xumadaasi jirtay sanka ayaa ugu daloolay in ay qaataan afkaarahaas doolka ah, oo ay weliba faafiyaan ileen aqoon ay iskaga shaandheeyaan ma haystaane.

Dabayshaa dibadeed ee gelbinaysey fekradahaas waxa ay is heleen oo dalalka kusoo dhaweeyay rooggii casaana u dhigay duulkii Munaafiqiinta ahaa oo weligoodba dadka Muslimka ah ku dhex noolaa haddana ka noolaa.

Maxaa xal ah?

Xalku, sida aan u arko, waa kooban yahay. Keliyaata waxa la inooga baahan yahay in aynnu aqoon waafi ah oo badhax tiran u yeelanno diinteenna haddii aynnu dhallinyaro nahay. Dabcan falsafadaha kale ee shisheeye iyo ilbaxnimoyinkii hore ee dadyawga gaalada ahba waa u baahannahay in aynnu baranno deraasaynana, balse waa goorma? Waa marka seeskeennu adkaado ee aynnu helno shaandho baroo ah oo aynnu hoos dhigno idil ahaan wixii fekrad sheegta; diinteenna ayuunbaanna inoo noqon karta. Dhallinyarada ama dadka qaatay afkaarahaasna waxa innagala gudboon in aynnu la doodno, dood wanaagsan oo cilmiyaysan, innagu hidaayadda ma haynno balse dedaalka hagran maynno.

Wadaaddada waxa la gudboon in ay ka waantoobaan ku dhego-barjaynta dhegaha curdinka ah ee dhallinyarada “Is raddinta” aan cilmiyaysnayn. Doodo waawayn ha la oogo, sheekhyadii mas’allooyin isku hayaa halkaa ha isu soo tafa xaytaan. Ardayduna wax ha ka faa’iddo, marka si cilmiyaysan oo is qancini ka buuxdo loo doodo. Waana in aanay bartayaasha malcaamadaha ama maxaddada ay wax ugu dhigayaan casharka kaga dhex laaqin wadaad iyo koox necbaysiin. Waa in wadaadku qirtaa isuna garwaaqsadaa in ay mas’uulliyadi saaran tahay, mid aan yarayn weliba. Sidaa darteed waa in aanu waqtigii uu cilmigiisa uu Eebbe baray dadka uga faa’ideyn lahaa ku lumin u jawaabidda qalalan ee sheekh hadlay. Mas’uulliyad ka weyn jawaabis ayaa wadaadoow ku saaran.

Waalidka waxa faran hal mid, in ay aqoon yeeshaan; mid diimeed iyo mid maaddiba, waa in ay bartaan ugu yaraan wax ay ku sixi karaan ubadkooda. Waa in dhanka kale la qoob wadaagaan ilmahooda; meesha uu wax ka baranayo, in uu joogteeyo, heerka uu wax barashada marinayo, sida uu wax u baranayo iyo gebi ahaanba dhaqdhaaqiisa wax barasheed. Waa in waalidku carruurta saaxiib la noqdaa. Waa in aannu ku afuufin qaybsiininna abtirsiinta ducufka ah ee ina dishootay. Waa in aannu u noqon ubadka macalin qabyaaladeed; bara qabiilkiisa, inta jilib ee uu u kala baxo, cidda ay is hayaan, cidda ay tahay in uu iska rawo ee cadawga u ah (hadda waa qabiil kale oo Soomaali ah), cidda ay is geyaan… iyo idil ahaanba dullinimada iyo karaahiyada qabyaaladda.

Dawladda waxa ku waajib ah in ay diyaariso manhaj ilmaha ilaa dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed xadaynaya waxa uu baranayo oo welina wacyigiisa iyo adduun-araggiisa kobcinaya. Oo waa in laga koraa maalin uun manhajkan fasalka 5’aad waxa lagu dhigto lagu soo celinayo dugsiga sare kiiyoo af ingiriisi ah, haddana jaamacadda. Ee isku wareegga ah.

Dhaqankeennii hore waa in aynnu wixii wanaagyaal ah ee uu lahaa sii xafidnaa, oo ilaashannaa, wixii uu god-dallool lahaana ama saxnaa ama saydhinaa.

Gebagabadii, yaan la sharaysan haddii lala kulmo feker ama falsafad shisheeye oo qalalan ee ha la isku dayo in la qooyo. Ciddii innaga mid ahayd ee qaadata kuna qanacda fekerkaasna yaan afka loo buurine ha la isku dayo in toobiyihii saxda ahaa dib loogu soo rido. Eebbe xaqa ha ina waafajiyo.

 

W/Q: Cabdicasiis Mahdi Axmed “Guudcadde”
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

 

Tixraacyo iyo Akhris dheeraad ah:

  • Anwar Al-jundi (1994), Suquudul aydhiyoojiyaat wa kayfa yamla’ul islaamul firaaq?
  • Ibnu Taymiyah (Unknown), Aj-jawaabu-saxiix liman beddela diinal-masiix.
  • Draper (Unknown), Taarikhu-siraac baynal diinni wal cilmi.
  • Mansuur Cabdilxakiim (1958), Man yaxkumul caalama sirran?
  • Cabdiraxmaan Bin Muxamed (1996), Adduraru sunniyi fii ajwibati-najdiyah.
  • Bartaran Rasl (2010), Taarikhu falsafatil qarbi. (Arabic ed.) Turjume; Dr Saki Nagiib.
  • Cabdul-Feda’ (2009), Blasting the foundation of Atheism.
  • Anwar Al-jundi (1987), Al-islaam fii muwaajahati falfasaafitil qadiimah.
  • The Protocols.