Dawladnimo durugtay – W/Q: Faarax Maxamed

Waa taa mar labaad dib loo noqday. Hannaankii iyo habkii lagu ballamayna la garab maray.

Waxa beri hore la isla qaatay in hab dimuqraadi oo xisbiyo ku tartamaan dalka laga hirdgeliyo si looga nabad galo hoogii iyo halaaggii digtaatooriyadda. Hanaankaas oo butuluqsi ahaa waxa la odhan karaa weli waa labac-labac. Waxana ka muuqda habacsanaan iyo hoos noqosho. Halkii ay ahayd in hore loo mariyo, dib-baa loo guuray geedi kale. Hogaamiyayaasha loo doorto Soamliland way necebyihiin in cid kale la tartanto, welwel iyo walbahaar ayaa ku dhasha markasta oo doorasho la soo hadal qaado.

Geesta kale, madaxdu ma qadariso dadka ay hogaaminyaan-ee soortay, waxay ula dhaqmaan si aad u liidata, garaadkooda iyo garshadoodana waa ay xaqiraan. Waa isugu mid adhiga faraha badan ee arafada dekeda Berbera laga dhoofiyo iyo kumanaanka dad ah ee ku dhaqan, miyi, magaalo, degmooyinka, tuulooyinka iyo inta debedaha jirtaba, ugama duwana geela maalin walba helibkiisa lagu cuno makhaayadaha waaweyn ee Harageysa. Ma jecla Dastuur, Baarlamaan, Sharci , Doorasho, Saxaafad run sheegta. Intaasoo dhan waxay ka door bidaan in dhegohoodu maqlaan, odayada qaylada kulul ee meelahaa kaga muusanaaba anagoo reer Jinni ah!

Doorasdhadii waxay noqotay waxa ugu culus ee cindigooda ku sooo dhaca. Waxa lagu riixaa qolyo aan la dooran, awood sharci iyo mid dastuur aan lahay. Guurtida lama dooran, Guddiga doorashooyinka lama dooran (hadana waxa la siiyey awood xad dhaaf ah). Golaha baarlamanku waa dhacay (expired) wagtigiisii beri hore ayuu dhamaaday.

Qofkii ugu danbeeyey ee xilka ummada loo doortay waxa uu ahaa madaxweynaha; Madaxweynuhuna hadalkisii ugu danbeeyey waa uu ku yidhi sidaan wax u ogahay wax idiinku sheegi maayo.! Sansaanka muuqda Somaliland hanaankii dawladnimo wa garab martay, mana aha mid kama ku dhacay ee mid loo kasay; saadanabayse garan.

Maxaa geydha yoontiyo, Gabayooxa ina baday? Mici good ma fududee, Maskaxdaa gidaadoo, Gudhay oo basaastoo, Damqashada ka guurtee, Lafa-geriba jebinnee, Goormaa la talantalay? Gunnimayna haysee, Miyaynaan gob noqon karin? “Hadraawi”