Dib u dhaca Doorashada Waxaa Iska Leh Komishankii Hore Iyo Xisbiga Wadani

Somaliland waxay ahayd inay ka qabsoonto labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanku sanadkan aynu ku jirno badhtankiisa, balse waxaa ku yimi dib u dhac, iyadoo ay dhawaan soo saareen komishanka qaranku  wakhtiga loo asteeyey  qabashada diiwaan gelinta cod bixiyayaasha.

Waxaana halkaasi ka cad marka koobaad in dibu dhaca doorashada ay lahaayeen  Komishankii hore oo noqday kuwo fadhiida, sidoo kale uu gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman ciro la seexday xeerkii doorashada isaga iyo xildhibaanada ay isku xulafada yihiin ee ku jira xisbigiisa, Cabdiraxmaan ciro isagoo ogaa inuu leeyahay eeda doorasahda uuna qeybta ugu wey ku leeyahay hadana inuu ku eedeeyo madaxweynaha iyo xukuumadiisa waa waxaan caqliga gelayn.

C.raxmaan ciro waxaan ogayn in tolaayey ay ka dhacday maalintii kurisgiisa la yaragil gilay lamina doonayn siday aniga ila tahay in laga qaado balse waxaa la eegaayey adkaysiga iyo go,aanka uu halkaasi ka qaato , jawaabtiina waxay noqotay inuu yahay nin jilicsan oo markiiba ku cararay “ Tolaay tolkayoow kursigii layga qaad” cidii ku dhimatay ama ku dhaawacan tahay  iyo cidii ay dhibi kasoo gaadhayba danbigeed if iyo aakhiraba isagaa qaba, waxaana cadaatay inaanu ahayn nin qaran uu yahay nin qabiil.

Anigu waxaan qabaa fikir ahaan aaminsanahay dib u dhaca ku yimi doorashooyinka masuuliyadooda koobaad uu leeyahay Gudoomiye Cabdiraxmaan ciro oo  la seexday xeerkii markii danbena qas iyo qalaan qal ku sameeyey xeerkii waxna ka bedelay wuxuuna ka dhigan yahay Hasha geela cunta ee Cabaada, waxaa taasi soo raaca eeda kalena waxaa komishankii hore oo iyaga xilkoodu ahaa inay hawsha isku duba ridaan xilkoodana gutaan balse way ku fashilmeen, Waxaa hubaala Madaxweynaha iyo xukuumadiisuba may noqonayn Komishankii manay noqonayn Baarlamaankii,  xilkaas cidii gabtay waa is ogtahay waxba yaanay ka gal galan.

 

Cali Xasan

Calixasan806@gmail.com