Chelsea Oo Markii 4-aad Hanatay Premeir League, Kooxdeese Ugu Badan Ee Ku Guulaystay Ilaa 1992-kii?

Kooxda Chelsea ayaa shalay xaqiijisay hanashada koobka horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska, ka dib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Crystal Palace oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge.Chelsea

Gool uu dhaliyay Eden Hazard ayaa u xaqiijiyay kooxda Blues inay ku guuleystaan koobkoodii afraad ee Premier League tan iyo markii magacaas loo bixiyay horyaalka Ingiriiska. Waana markii saddexaad ee uu tabobare Jose Mourinho u qaado koobkan.

Kooxda ugu guulaha badan Premier League waa Manchester United oo 13 jeer ku guuleysatay tan iyo markii magacaan loo bixiyay koobka horyaalka Ingiriiska. Waxaana haatan ku soo xigta kooxda Chelsea oo afar jeer ku guulaysatay.

Waxaa kaalinta saddexaad ku jirta kooxda Arsenal oo 11 sanno ka hor ay ugu dambaysay hanashada horyaalka oo qaaday saddex koob oo Premier League ah.

Halka Man City oo dardar muujisay shanti sanno ee ugu dambeeyay ay koobkan hanatay laba jeer, kooxda Blackburn ayaa iyaduna qaaday hal mar waana waqtigii uu tabobare u ahaa Kenny Dalglish.

Guud ahaan koobka horyaalka Ingiriiska waxaa iyaduna weli ugu guulo badan kooxda Manchester United oo 20 jeer ku guuleysatay waxaana ku xiga kooxda Liverpool oo 18 jeer ku guuleysatay markii ugu dambaysayna ay ahayd 1990kii. Halka Arsenal ay ku guuleysatay 13 jeer.

Everton (9 jeer), Aston Villa (7 jeer), Sunderland (6 jeer), Chelsea (5 jeer), Newcastle & Man City (4 jeer).