Kabtankii Hore Ee Xulka Qaranka England Oo Xaaskiisu Ku Geeriyootay London

London, (SLpost)-  Kabtankii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Man United, isla markaana xilligan ah difaaca kooxda dalkaas  ka dhisan ee QPR Rio Ferdinand ayaa sheegay inay geeriyootay xaaskiisii, oo lagu magacaabi jiray Rebecca Ellison, taasoo ku dhimatay cusbitaal ku yaalla magaalada London.Ferdinand

Ms Ellison oo ahayd 34 sanno jir ayuu Rio Ferdinand guursaday sannadkii 2009-kii, waxaanay u geeriyoobay xanuunka Kansarka oo kaga dhacay naasaha.

Ms Ellison ayaa u dhashay difaacan kooxda QPR ee 36 sanno jirka ah saddex carruur ah.

Qoraal uu saaray Rio Ferdinand ayuu ku sheegay inay xaaskiisu geeriyootay maalintii Jimcaha ee todobaadkan. “Rebecca, oo ahayd xaaskaygii waxay geeriyootay jimcihii, iyadoo ku geeriyootay Royal Marsden Hospital oo ku yaalla London,” ayuu yidhi ciyaartoygu.

“Waxay ahayd qof cajiib ah, sidoo kale waxay ahayd hooyo jecel sadexdeeda carruur ah, waanu tabi doonaa, maskaxdayadana ka bixi mayso.” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay,kaasoo uu ku daabacay website-ka kooxda QPR.

Somalilandpost.net